Barakac ka billowday Muqdisho iyo Ciidan jidadka la dhigay

Waxay dadka degan nawaaxiga Daljirka Dahsoon billaabeen maanta inay guryahooda ka barakacaan.

Warar Keydmedia Online
Barakac ka billowday Muqdisho iyo Ciidan jidadka la dhigay

MUQDISHO, Soomaaliya - Boqolaal qoys ayaa maanta ka barakacay xaafado ku yaalla nawaaxiga Daljirka Dahsoon, oo berri la filayo inuu ka dhaco banaanbaxa ay Mucaaradka soo qaban-qaabiyeen.

Dadka shacabka ay ayaa ka cabsi qaba inay dhibaato kasoo gaarto isku dhacyada ama dagaal suurta-gal ah inuu dhaco, maadaama dowladda ay Ciidanka gaarka ee Waran ay geyssay Daljirka Dahsoon.

Waxaa sidoo kale saakay lagu arkay wadooyinka Muqdisho Ciidamo dheeraad ah, oo ay ku jiraan kuwa rabshadaha kahor taga, oo aan horey loogu arki jirin jidadka magaaladda.

Jimcihii hore, dagaalka ayaa ka dhacay Muqdisho, gaar ahaan hotel Maida oo lagu weeraray Xasan Sheekh, Sheekh Shariif iyo Shariif Xasan, iyo KM4 halkaasoo Haram-cad ay ku rasaaseysay dibadbaxayaasha mucaaradka.

Qof kasta oo ku nool Muqdisho wuxuu farta ku hayaa wadnaha, iyadoo laga baqayo inuu dagaal dhaco, hadii aan heshiis laga gaarin xiisadda taagan oo natiijo fiican kasoo bixin wadahadallka Rooble la leeyahay Mucaaradka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.