Barakac xoog leh oo ka bilowday Baraawe, Golweyn iyo Buulo Mareer

Buulo Mareer (KON) - Kumanaan Qoys ayaa Saakay oo Sabti ah billaabay inay isaga barakacaan Deegaanada Buulo Mareer, Golweyn & Degmada Baraawe, halkaasi oo Ciidamada DFS & AMISOM Guluf Dagaal ku qaadeen.
Warar Keydmedia Online
Barakac xoog leh oo ka bilowday Baraawe, Golweyn iyo Buulo Mareer

Ciidamada Dowladda Federaalka & kuwa AMISOM oo isku dhinac ah & Kooxda Al shabaab ayaa Saakay waxa uu Dagaal Xoog leg ku dhemaray meel u dhaw Deegaanka Golweyn oo ku yaalla Wadada Dheer ee aada Buulo Mareer & Baraawe, waxaana markii danbe Dagaal qaatay Nus Saac u suura gashay Ciidanka Huwanta ay la wareegaan Deegaanka Golweyn, oo u jira 7Km Buulo Mareer.

Inta badan Qoysaskii ku noolaa Deegaanada Buulo Mareer & Golweyn ayaa Saakay faarujiyay Deegaanadaasi, xilli ay Ciidamada DFS, AMISOM & Al shabaab uu Goobahaasi Dagaallo ku dhexmaraya. Deegaanka Golweyn & Deegaano kale oo u dhaw Buulo Mareer ayay la wareegeen Ciidamada Huwanta, sida ay noo xaqiijiyeen Goobjoogiyaal.

Sidoo kale, Wararka aan ka helayno Degmada Baraawe ayaa sheegaya in qaar ay billaabeen Barakac, maadaama uu kusoo wajahan yahay Guluf Colaadeed, waxaana Al shabaabka jooga Degmada Difaacyo ka samaysteen Daafaha Magaalada, iyagoo isku dayay inay is difaacaan.

Ciidamada DFS & AMISOM ayaa sheegaya inay Guulo ka gaarayaan Dagaalka socda ee loogu magacdaray "Howlgalka Badweynta Hindiya" oo la doonayo in Al shabaab looga saaro Deegaanada & Degmooyinka ay dalka ka joogaan, sidoo kalena lagu furo wadooyinka go'doonsan, si Shacabka dhibaataysan Gar Gaar loo gaarsiiyo.

Wixii War ah oo kusoo kordhaa Dagaalka socda kala soco Keydmedia.net

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho




    Warar 14 September 2020 23:49

    Keydmedia Online ayaa waxaa soo gaartay nuxurka Shirka Muqdisho ee Dowladda Federaalka iyo Madaxda Maamul Goboleedyada oo goor dhawayd lagu soo kala dareeray maalinkii Labaad.