Barakacaaysha Xuddur oo helay adeegyo muhiim ah

Inkastoo hadda barakacayasha ku dhaqan magaalo madaxda gobolka Bakool ee Xuddur, loo dhisay Musqulo iyo baraago biyaha ay keydsadaan, hadana wali waxaa taagan cunto yari baahdsan oo ka dhalatay go’doonka ay magaalada galiyeen Al-Shabaab.

Warar Keydmedia Online
Barakacaaysha Xuddur oo helay adeegyo muhiim ah

XUDDUR, Soomaaliya - Musqulo iyo biyo ayaa loo diyaariyey boqolaal qoys oo ku nool kaamam ku yaal magaalo madaxda gobolka Bakool ee Xuddur, kadib markii ay kordheen barakacayaasha sababo la xiriira iska horimaadyada ka socda koonfurta Soomaaliya.

Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka biyaha ee Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa 450 musqulood ka hirgelisay 10 Kaam, halkaas oo ay haatan ku nool yihiin 5,729 qof oo barakacayaal ah.

Wasaaraddu waxay sidoo kale dhistay barkado biyo ah, iyadoo taageero dhaqaale ka heleysa Hay'adda Norwegian Refugee Council (NRC).

Isku duwaha wasaaradda, Cabdullaahi Nuur Maxamed, ayaa sheegay in u jeedkoodu yahay in laga foagado cudurro ka dillaaca degaanka kadib markay ogaadeen inay sii kordhayaan barakacayaasha soo gaaraya Xuddur.

Xasan Maxamed Keer iyo qoyskiisa oo ka kooban sideded qof ayaa deganaa xerada Garaswayne tan iyo markii ay ka soo carareen beero ay abaartu halakeysay oo ku yaallay duleedka Xudur.

Wuxuu sheegay inuu ka walwalsanaan jiray mar kasta oo caruurtiisa iyo xaaskiisa ay xaajo-gudasho u aadan duurka, isla markaana ay ku dhawaad nus saac u socdaalaan ceelbiyood, si ay caagag biyo ugu soo xambaaraan.

“Ugu yaraan hadda waxaan helnay musqulo iyo biyo bilaash ah oo ku yaalla gudaha xerada,” ayuu yiri, isaga oo xusay in musqulaha aysan ku filneyn dadka hadda xerada ku jira.

Barakacayasha Xuddur waxa ay ka cabanayaan cunto yari, kadib markii qiimaha la kala siisto maciishadda guud ay gaartay halkii ugu sarreysay, taas oo timid kadib markii ay Al-Shabaab go’doomiyeen magaalada iyo degaannada hoos taga.

Diyaarado ayaa raashinka lagu geeyaa Xuddur, qiimaha ayaana maraya halkii ugu sarreysay taariikhda, mana jiro olole uu ka dhan ah Al-Shabaabka go’doomiyay degaanka, si ay isku badasho dadka ku jira xabsiga kor ka qunfulan.

KEYDMDEIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 July 2021 15:48

Duqeymaha waxay u diidayaan Al-Shabaab inay hesho fursad ay isku abaabusho, oo ay ku qorsheyso weeraro, kuna tababarto dagaalyahanno cusub, dhanka kale, Mareykanka ayaa duqeymihii uu Soomaaliya ka geystay sanadihii lasoo dhaafay ku laayay shacab badan oo rayid ah.