Barakacayaal soo gaaray Duleedka Muqdisho

Waxaa saacadihii ugu danbeeyey Duleedka Muqdisho soo gaaray, barakacayaal qeybo ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya, uga soo barakacay abaarta baahsan ee xilligan ka jirta.
 

Warar Keydmedia Online
Barakacayaal soo gaaray Duleedka Muqdisho

MUQDISHO,Soomaaliya - Qoysas Barakacayaal ah oo badankood ka yimid degaanada Jubbaland, ayaa soo gaarey duleedka Muqdisho, iyagoo wajiyadooda laga dheehan karay daalka iyo diifka ka muuqata, madaama ay wadada ku soo jireen in ku dhaw 15 maalmood.

Qoysaskan oo iminka kusoo biiray kuwa hore oo barakac ahaan u joogay Duleedka Muqdisho ayaa wajahaya duruufo kala duwan, waxaana ay dalbanayaan in lala soo gaaro gurmad wax ku ool ah, si ay noloshooda ugu badbaadiyaan.

Dadkan ayey tiradoodu kor u dhaafeysaa 400 [Afar boqol] oo qof, waxaana kaamamka ay soo gaareen qaarkood ay ku yaalaan degaanka Weydoow ee Duleedka Muqdisho.

Tirada dadka u geeriyoonaya abaarta ka jirta Gobolka Gedo ayaa kordheysa, iyadoo saacadihii ugu danbeeyey ay gaajo u dhimatay haweeney umul ahayd.

Illaa hadda ma jirto gurmad muuqda oo gaaray dadka ay abaartu saameysay, marka laga reebo baaq ay xukuumada xil-gaarsiinta ah jeedisay, kaasoo ku aadan in loo gurmado dadka dhibaateysan.

Isbaddelka Cimilada iyo Roobabkii la heli jiray xiliga Deyrta oo yar, ayaa soo dedejiyey abaarta xooggan ee xilligan ku dhufatay Soomaaliya, waxaana xaalad bani'aadminimo ay baday dadka oo u badan xoolo dhaqato iyo beeraleey inay degaanadii ay ku noolaayeen ay kasoo cararaan.

KEYDMEDIA ONLINE 

Commenting is not available in this channel entry.