Barakacayaal Cabanaya iyo Bishii Ramadaan oo soo dhaw

Dadka barakacayaasha ah ee ku nool dhismayaashii Dowladii hore iyo xarumaha safaaradihii Dalalka Aduunka ay ku lahaayeen magaalada Muqdisho ayaa iminka cabasho nolaleed muujinaya.
Warar Keydmedia Online
Barakacayaal Cabanaya iyo Bishii Ramadaan oo soo dhaw

Barakacyaashan ayaa sheegaya in ay nolasha aad u adkaatay iminka isla markaana aanu jirin cid ay ka helaan gar gaar aadaminimo waxaana shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan ay ka dalbadeen kaalmo deg deg ah in lala soo gaaro si nolashooda ay u dheeli tiranto.

Dad Soomaaliyeed oo hada ku nool Safaaradii hore ee Engiriiska ee degmada Xamar jajab  ayaa waxa ay sheegeen in dhibaato tii ugu darneed iminka ay wajahayaan isla markaana ay doonayaan kaalmo aadaminimo oo deg deg ah lala soo gaaro.

Soomaalida tabar ahaan liidata ayaa waxa isugu darsoomay dhawr arimood oo kale daran kuwaa oo kale ah, Hey'adaha Samafalka oo aan si dhab ah u soo gaarsiinin shacabka Soomaaliyeed wixii loogu talgalay iyo dhinacyada Soomaalida ah oo sii dalaala waxyaabaha aadka u yar ee shacabka loogu tala galay.

www.keydmedia.net




Warar 25 November 2020 19:57

Madaxweynaha ayaa ku fashilmay siyaasadda, hirgelinta Federaalka, amniga iyo qabashadda doorasho qof iyo qof ah oo uu balan-qaadey markii la doortay 4 sano kahor.