Barakacayaal Kismaayo ku dhibaateysan

Wararka laga helayo Magaalada Kismaayo ee gobalka J.hoose ayaa sheegay in barakacayaasha ka cararay Dagaalada ka socda Deegaano fara badan oo ka mid ah Dalka ay halkaasi dhibaato kula kulmayaan.
Warar Keydmedia Online
Barakacayaal Kismaayo ku dhibaateysan

Warbixinada ay Keydmedia.net ka heleyso gobalkaasi ayaa sheegaya in Dhibaato daran ay wajahayaan dadkaasi iyadoona aanay jirin wax Hey'ad ah uu gar gaar aadaminimo in ay u fuliyaan hadda u darban.

Dadkaasi qaarkood oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka dalbaday Dadka Soomaaliyeed isku dayaan sidii walaalahooda dhibaateysan wax loogu qaban lahaa isla markaana looga samata bixin lahaa dhibaatadaasi ay iminka wajahayaan.

Deegaano badan oo Dalka ka tirsan ayaa xiligan la joogo waxa ay dad Soomaaliyeed ku heysataa dhibaato laga dhaxlay dagaalada sii daba dheeraday ee u dhaxeeya dhinacyada ku loolamaya gacan ku heynta Dalka kuwaa oo mar walba is heysadkooda ay dhibaato ka soo gaarto Shacabka Soomaaliyeed.

www.keydmedia.net




Warar 19 January 2022 16:49

Wasiir ka tirsan Xukuumadda Xil-gaarsiinta ee masuulka ka ah hirgalinta hannaanka doorashooyinka dadban, ayaa qeylo-dhaan ka muujiyay habka loo maamulay mid ka mid ah kuraasta Aqalka hoose ee taalla Puntland.