Barakacayaal lagu amaray ka qeyb galka Dagaalka

Muqdisho(Keydmedia) Maamulka ka taliya degmada Afgooye ee gobalka Sh.hoose ayaa shacabka barakacayaasha ee ku nool gobalka Sh.hoose ku amray in ay u diyaar garoobaan ka qeyb galka dagaalada ka socda magaalada Muqdisho.
Warar Keydmedia Online
Barakacayaal lagu amaray ka qeyb galka Dagaalka

Cali Cumar oo ah u qeebsanaha arimaha warfaafinta ee maamulkaasi oo ka dhawaajiyay arinkan ayaa yiri " u diyaar garooba in aad iska dhicisaan dadki idinka soo barakiciyay guryihiina hadii kale halkan ayeey idinkaga daba imaanayaa" waxaana  uu ku booriyay dadka in aanay hanti iyo naf toona la harin.

Barakacayaasha loogu baaqay ka qeybgalka dagaalka ayaa waxa ay yihiin kuwa xiligan wajahaya dhibaatooyin baahsan oo dhanka Nolasha la xiriira iyadoona ay kooxaha halkaasi ka taliya ay u diideen in wax gar gaar ah la gaarsiiyo dadkaasi iyaga ah.

Inkastoo aanay aheyn markii ugu horeysay ee kooxaha dowlada ka soo horjeeda shacabka Soomaaliyeed ay ugu baaqaan dagaalo ujeedadooda ay tahay dhiig daadin ayaa hadana waxaa xusid mudan in shacabka ka qeyb galka dagaalka loogu baaqayo ay heystaan dhibaatooyin kale oo aad u badan.

www.keydmedia.net