Barakacayaasha Muqdisho: Is casilaada Farmaajo waa niyad jab balaaran

MUQDISHO(KEYDMEDIA) Barakacayaasha ku nool xeryaha magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda ku yaala ayaa waxa ay sheegeen in is casilaada Farmaajo ay niyad jab weyn ku tahay.
Warar Keydmedia Online
Barakacayaasha Muqdisho: Is casilaada Farmaajo waa niyad jab balaaran

“ Waxaan raja ka qabnay inaan helno nolal, nabad iyo in guryaheena aan ku laabano, markaan aragnay howasha wanaagsan ee Farmaajo uu qabtay mudada kooban ee uu xilka hayay, laakiin waa ka niyad jabnay markaan maqalnay is casilaadiisa” sidaa waxa tiri hooyo Canbaro oo ka mid ah dadka ku nool ceelasha Biyaha oo la hadashay keydmedia.

Barakacayaasha ayaa waxa ay ku dhaliileen shariifyada go’aanka gurcan ee ay qaateen iyo sida ay uga soo horjeeda horumarka Dalka iyo dadka Soomaaliyeed, waxaana ay sheegeen in tani ay fursad siineyso Shabaab isla markaana dhibaatada ay sii socon doonto.

WWW.KEYDMEDIA.NET