Barcelona oo mar labaad koobka horyaalada Yururb ku dul qaaday Manchester U.

Keydmedia (Sport) - Barcelona oo xilligaan u muuqata koox aan loo babac dhigi Karin ayaa habeenkii xalay ahaa waxa ay koobkeedii labaad mudo sedax sano gudohood ah si xarago leh uga qaaday kooxda Manchester U ee dalka Ingiriiska.
Warar Keydmedia Online
Barcelona oo mar labaad koobka  horyaalada Yururb ku dul qaaday Manchester U.

Barcelona waxa ay  Manchester U  ugu awood sheegaty 3-1, iyada oo  Barcelona oo gool lahor martay uu u dhaliyay daqiiadii 27-aad  P. Rodriguez, hasa yeeshee daqiiqadii 34-aad ayaa kooxda Manchester U.  waxa ay latimid goolka qura ee ay dhalisay xalay waxaana u saxiixay   W. Rooney, waxaana qeybtii hore lagu kala nastay 1-1.

Qeybtii labaad ee ciyaartu markii ay mareysay daqiiqadii 54-aad ayaa ciyaaryanahna mucjisda kubada cagta aduunyada L. Messi   waxa uu dhaliyay goolkiisii 12-aad 13-ciyaarood uu uu saftay ciyaaraka koobkaan, taas oo uu ku bareejeeyay recor-kii uu dhigay Ruud van Nistelrooy  2002/03, iyada oo daqiiqadii 69-aad uu soo qatimay goolsha  D. Villa    oo ciyaarta gaarsiiyay 3 – 1, taas oo Mancheter niyad jabkii ugu wetynaa ku riday.

Garoonka ciyartu ka dheceysay ee Wembley, waxaa xalay buuxiyay taageerayaal, fara badan, iyada oo aduunyada oo idilna malaayin qof ay ka dawanayen ciyaarta, iyada oo laga dhur sugayay wax ay cityaartaasi ku dhaman karto maadama in badan leesu bira tumanayay.

Guusha kooxda Barcelona ayaa waxa ay dhabar jab ku tahay dhaman kooxaha ka dheela Ingiriiska gaar ahaan kooxda Man. U., maadaama kooxdu sanada gudohood sexed mar uga guuleysatay kooxa ingiriiska horyaalnimada qaarada Yurub, mar waxa ay kaqaaday Arsenal, labada kalana Manchester united.

Kooxda Man. U. waxa ay finalka koobkaan timid shan mar, waxa ayna ku guleysatay sedax jer labada mar oo kalan waxaa ku dul qaaday Barcelona, halka kooxda Barcelona ay timid finalka koobkaan todoba jeer, waxa ayna ku guuleysatay 4-jeer.

Keydmedia Sports