Barlamaanka oo Maanta la horgeynayo heshiiska doorashada

Xildhibaanada Aabada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeelan doonaan kulan wadajir ah oo looga arrinsan doono heshiiskii ay DFS iyo dowlad goboleedyada ka gaareen doorashada 2020/21.

Warar Keydmedia Online
Barlamaanka oo Maanta la horgeynayo heshiiska doorashada

Heshiiskaan oo ay todobaadkii hore wada gaareen Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa looga doodayaa BFS. 

Xildhibaannada Labada aqal ayaa laga doonayaa in ay codka u qaadaan heshiiskan, walow ay jiraan xildhibaanno kasoo horjeeda.

Dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ayaan u arkin heshiiskan la horgeynayo BFS inuu yahay xeer ama sharci ay waajib tahay in mudanayaasha baarlamaanka ay u codeeyaan.

Tabinta Kulanka Baarlamaanka Soomaaliya, kala soco bogga Keydmedia Online

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.