Baarlamaanka Ingriiska oo ka doodaya aqoonsiga Somaliland

Barlamanka UK ayaa in dhaweyba waday dood la xiriirta madaxbanaanida maamulka Somaliland, oo ka mid ah dhulka Soomaalida ee uu soo maamulay gumeystaha Ingiriiska.
 

News Keydmedia Online
Baarlamaanka Ingriiska oo ka doodaya aqoonsiga Somaliland

LONDON, INGIRIISKA - Dood kooban oo la xiriirta madaxbanaanida Somaliland ayuu Baarlamaanka Ingiriiska berri ka yeelan doonaa, iyadoo aan go'aan laga soo saari doonin.

Gavin Williamson oo laga soo doorto degmada South Staffordshire oo katirsan gobolka West Midlands, ayaa horkeenay Baarlamaanka UK dooda ku aadan qadiyadda Somaliland.

Xildhibaanka West Midlands ayaa aad u taageera gooni isu-taagga Somaliland, isagoo xiriir dhaw la leh Madaxda Maamulkan, oo la rumeysan yahay inay dhaqaale badan ku bixiyaan in qadiyadooda meelo sare la geeyo.

Somaliland ayaa ku dhawaaqday inay ka go'dey Soomaaliya sanadkii 1991, iyadoo aysan jirin dal dunida ka tirsan oo aqoonsaday 30-kii sano ee lasoo dhaafay.

Maadaama uu soo gumeystay Ingiriiska, waxuu Xildhibaan Gavin dadaal badan ku bixiyay in Baarlamaanka UK aqbali dood inuu ka yeesho madaxbanaanida maamulka Hargeysa.

Siyaasyiin dhowr ah ayaa ku tilmaamay arrintan fara-gallin Ingiriiska uu sameynayo madax-banaanida dalka Soomaaliya.

Inkastoo aysan wax badan soo kordhin, Gollayaasha deggaanka ee Cardiff, Sheffield iyo Birmingham, ayaa hore u shaaciyey in ay aqoonsan yihiin madaxbanaanida Somaliland.

Ingiriiska ayaa Safaarad ku leh Muqdisho, taasoo Safiir uu u fadhiyo, waxaana xusid mudan in xafiisk diblomaasi ku leeyahay Hargeysa, kaasoo wakiil u joogo.

Deeqaha caalamka, waxaa Somaliland loo mariyaa dowladda Soomaaliya, iyadoo loola macaamilo sida maamul Goboleedyada kale. Hawada dalka waxaa laga xukumaa Muqdisho.

KEYDMEDIA ONLINE 

Commenting is not available in this channel entry.