Golaha Midowga Musharixiinata oo cambareeyay Weerarka lagu qaaday

Golaha Midowga Musharixiinata, ayaa cambaareeyay weerarka uu Farmaajo caawa ku qaaday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud  iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Warar Keydmedia Online
Golaha Midowga Musharixiinata oo cambareeyay Weerarka lagu qaaday

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Midowga Musharixiinta, ayaa si kulul u cambaareey weerarka ay ciidamo Farmaajo soo adeegsaday ku qaadeen guryaha Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud, iyo hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur ka degen yihiin Magaalada Muqdisho.

War qoraal ah oo ka soo baxay Golaha Midowga Musharixiinta ayaa lagu sheegay in weerarkaan ay qeyb ka ahaayeen ciidamada Gorgor oo dalka Turkigu tababaray, mushaarkana siiyo, waxaana waraaqda lagu xaqiijiyay in maanta Fahad Yaasiin uu AMISOM, ka soo qaatay hub iyo rasaas  si uu u weeraro madaxdii hore.

AMISOM  iyo Turkiga, ayaa looga digay in ay qeyb ka noqdaan dagaallo sokeeye, waxaana lagu caddeeyay in Farmaajo uu Xasan Sheekh iyo Warasme uu mid kasta labo mar weeraray.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 May 2021 9:42

Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, dad lagu qiyaasay 2.6 million oo baaralay u badan ayaa kasoo barakacay degaanadooda ku yaalla labada gobolka ee caanka ku ah Beeraha [Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe].