Deni: Fahad Yaasin waa in la badalaa hadii ay doorasho dhaceyso
Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika wuxuu ku baaqayaa in la xalliyo caqabadda ka taagan doorashooyinka Soomaaliya.
MUQDISHO, Soomaaliya - Bayaan ka soo baxay Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat ayaa looga hadlay xaaladaha siyaasadda Soomaaliya iyo heshiis la’aanta doorashooyinka.
Moussa Faki ayaa ku baaqay in saamileyda siyaasadda oo ay ugu horreeyaan Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Farmaajo, Madaxda Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka iyo dhammaan hoggaanka qaranka Soomaaliyeed, inay si wax ku ool ah uga wada shaqeeyaan sidii loo xallin lahaa kala duwanaanshaha siyaasadeed ee keenay dib u dhaca xilliga doorashada iyo cakirnaanta siyaasadeed ee jirta.
Bayaannka waxaa lagu sheegay in horumar laga sameeyay qodobo dhowr ah shirkii Dhuusamareeb, laakiin aan arrimaha oo dhan la isku af-garan, waxaana hoggaanka siyaasadda lagu amray in ay gaaraan hishiis kama danbays ah.
“Waxaa lagama maarmaan ah in hoggaanka siyaasadeed ay gaaraan heshiis guud oo ku saabsan arrimahan taagan si loo oggolaado qabashada doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxweynaha oo aan dib u dhac badan ku imaan”, ayuu yiri Moussa Faki.
Qoraalka Gudoomiyaha waxaa lagu sheegay in Midowga Afika uu ka waalaacsan yahay xiisadda siyaasadeed ee sii kordheysa isagoo ka cabsi qaba in ay meehsa ka baxdo xasilloonida aan buurneeyn e jirta.
Gudoomiyaha ayaa ku nuuxnuuxsaday in xasilloonida Soomaaliya ay qatar ku jirto wuxuuna ugu baaqay dhamaan daneeyayaasha arrimaha siyaasadda Soomaaliya inay wax walba ka hor mariyaan danta qaranka ayna si wax ku ool ah u raadiyaan xalinta khilaafka.
Hadallada beesha caalamka ayaa noqday is daba joog tan iyo bilaabashadii shirkii Djuusamareeb waxaana siyaasiyiinta Soomaaliyeed loo soo jeediyay in ay xal siyaasadeed oo loo dhan yahay gaaraan.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments