Bayle iyo Swan oo ka shiray dib u habeynta maaliyadda dalka

QM ayaa xoojinaysa taageerada ay siiso dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda.

Warar Keydmedia Online
Bayle iyo Swan oo ka shiray dib u habeynta maaliyadda dalka

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, C/raxmaan Ducaale Bayle iyo wakiilka QM ee Soomaaliya James Swan  ayaa kulan ku yeeshay magaalada Muqisho.

Kulanka ayaa ahaa mid looga wadahadlay dib u habeynta iyo horumarinta maaliyadda dalka, iyadoo la adeegsanayo SMP4.

“Waxa aan maanta shir muhiim ah la yeeshay Madaxda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo uu horkacayo Mr James Swan wakiilka gaar ka ah ee Soomaaliya. Waxa aan ka wada hadalnay isbadalka iyo horumarka Maaliyadda Soomaaliya” ayuu yiri Beyle.

Wasiirka oo qoraalkan soo dhigay bartiisa Facebook ayaa dhanka kale sheegau in xafiisya QM ee Soomaaliya ay yihiin saaxiib dhow oo muhiim ah, kana shaqeeya horumarka Soomaaliya.

"Xafiiska UN ka ee Soomaaliya waa saaxib muhiim u ah horumarka iyo taageerada Dalka, waxa ayna noo balan qaadeen in ay sii wadi doonaan taageerada bulshada Soomaaliyeed”

QM iyo dalal kale oo caalamka ah ayaa Soomaaliya ka taageera ariimaha ammaanka, kobcinta dhaqaalaha, iyo fulinta mashaariic horumarineed.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.