Labo Beel oo isku heysata Kursiga Madaxweynaha Hirshabeelle

Beelaha Xawaadle iyo Abgaal ayaa isku heysto Kursiga Madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle. 

Warar Keydmedia Online
Labo Beel oo isku heysata Kursiga Madaxweynaha Hirshabeelle

MUQDISHO, Soomaaliya - Loolan adag ayaa ka taagan cidda noqoneyso Madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle oo dhawaan la dooranayo, waxaana isku heysto Beelaha Abgaal iyo Xawaadle oo dega Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan.

Maamulka Hirshabeelle oo markiisii hore lagu dhisay si deg degsiimo ah ayaa haatan wajahaya khalalaaso hor leh, kaasoo ku aadan dhismaha labaad, maadaama uu ku soo aaday xilli kala guur ah.

Hirshabelle oo ka kooban Labada Gobol ee Hiiraan iyo Shabeelaha Dhaxe ayaa markii hore loo qeybsaday in Hiiraan la siiyo Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka halka Shabeelaha Dhaxe la siiyay Madaxweyne kuxigeenka iyo Caasimada.

Waxaa hada socda qorshe ka badelan kii hore, iyadoo beesha Abgaal oo degta Shabeelaha Dhaxe markan doonayso in ay la wareegto xilka Madaxweynaha halka beesha Xawaadle oo Hiiraan degto iyana dooneyso in xilkaasi aan lagula tartamin siina heestaan.

Madaxweynahii hore ee Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble oo dhawaan la hadlay Warbaahinta gudaha ayaa sheegay in aan Hirshabeelle Beesha Xawaadle cidna kula tartami karin Kursiga Madaxweynaha islamarkaana hadii la fara gashto khalalaaso ka dhalan doonto arintaan.

Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Hirshabeelle ee muddo xileedkiisa haatan gabaabsiga yahay ayaa xalayto ka soo horjeestay Jadwalka doorashada guddoonka Hirshabeelle ay soo saareen guddiga Farsamada, waxaana laga yaabaa in uu Waare guddiga kala diro.

Arintaan ayaa u muuqato mid jahwareer hor leh ku dhalin doonto dib u dhiska Labaad ee Maamulka Hirshabeelle.

KEYDMEDIA ONLINE 

Commenting is not available in this channel entry.