Beelaha Hawiye, Biyomaal, Digil iyo Daamo oo taageeray Maamulka Shabeele State

Muqdisho (KON) - Odayaasha Dhaqanka Beelaha Hawiye, Biyomaal, Digil iyo Daamo oo Shalay ku kulmay Magaalada Muqdisho ayaa taageeray Maamulka Shabeele State.
Warar Keydmedia Online
Beelaha Hawiye, Biyomaal, Digil iyo Daamo oo taageeray Maamulka Shabeele State

Kulankaan ka dhacay Caasimada oo ay ka Qeybgaleen Waxgaradka iyo Odayaal dhaqameedyo matalaya Qaar kamid ah Beelaha dega Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa looga hadlay mideynta Beelahaas.

Kulanka ayaa haa mid dib u heshiisiineed oo lagu taageerayey Maamulka Shabelle State, waxaana ka mid ahaa beelaha ka qeyb galay Shirka Beelweynta Hawiye, Biyomaal, Digil iyo Daamo.

Gudoomiyaha Dhaqanka Beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad oo kulankaas furay ayaa sheegay in kulanka ay isugu yimaadeen beelahan uu yahay mid muhiim ah oo dib u heshiisiineed.

"Beelahan waxay mudooyinkan lahaayeen kulamo gaar gaar ah oo dib u heshiisiineed, shirkaana waxaa uu kulmiyey kulamadaas maadaama Beelihii ay hal goob soo wada fadhiisteen” ayuu yiri Nabadoon Xaad.

Nabadoon Xaad ayaa sheegay in Odayaasha Dhaqanka ay buuxiyeen kaalintii ay Dowladda Federaalka ka gaabisay oo aheyd in ay dib u heshiisiin dhex dhigto Beelaha Soomaaliyeed.

"Dib u heshiisiinta ay gaareen beellahaan Soomaaliyeed waxay guul u tahay gaar ahaan Shacabka dega Gobolkaguud ahaana Soomaali oo dhan, dowlada Soomaaliya iyo Nabada, shirkana waa fursad qaali ah oo aan soo marin dadka halkaan fadhiya, waxaan rabnaa in walaalahood kale ee gobolka la dega iney nabada la wadaagaan” ayuu intaa ku daray Xaad.

Suldaan Cismaan Maxamed Maxamuud oo ka socday Beesha Digil ee Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in Beelaha dega Gobolka ay Walaallo yihiin, rabaana in ay midoobaan.

Sidoo kale waxaa Kulanka ka hadlay Ugaas Abroone Maxamed Shiikh oo ah Ugaaska Beesha Biyomaal, Aadan Maxamed Xuseen oo ku hadlayey magaca beesha Daameed, Ex-xildhibaan Maxamed Xuseen oo ka mid ah siyaasiyiinta gobolka, Faadumo C/qaadir Faarax oo ku hadleysay Magaca haweenka gobolka Sh/hoose iyo Waxgarad kale.

Ugaaska Beesha Biyomaal, Ugaas Abroone Maxamed Shiikh ayaa sheegay in Siyaasiyiin Jaga-doon ah ay isku dirayaan Beelaha dega Gobolka Shabeellaha Hoose "Kulankana wuxuu na tusinayaa in Beellahaan ay yihiin Walaalo is Jecel oo wax Colaad ah aysan ka dhexeenin, Ciyaalka Dagaalamayana uma Dagaalamayaan Magaca Beesha"

Xubnaha ka hadlay goobtaas ayaa sheegay in Maamulka Shabelle State uu ku yimid rabitaanka shacabka Gobolada Sh/hoose iyo dhexe.

Wajiga Labaad ee Shirka ayaa waxaa dhawaan lagu qaban doonaa Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Keydmedia Online - Muqdisho