Beelo wada hadal la dhex dhigay

Muqdisho (Keydmedia) Wararka laga helayo xadka ay wadaagaan Gobalada Shabeelada hoose iyo shabeelada dhexe ayaa sheegaya in wada heshiis lagu dhex dhigay beelo Soomaaliyeed oo walaala ah misna is afgaran waa uu u dhaxeeyay.
Warar Keydmedia Online
Beelo wada hadal la dhex dhigay

khilaafka Beelahaasi oo isku heeb ah ayaa waxa uu ka taagnaa dhanka Koonfur Bari ee Gobaladaasi, waxaana si weyn looga cabsi qabay inuu gacan ka hadal balaaran oo qasaara dhali kara uu isu badalo walow iminka si dag dag ah wax looga qabtay.

Waa waanta la dhex dhigay beelaha ayaa waxaa ka qeyb galay odayaal labada dhan ah iyo sidoo kale maamulada Sh.hoose iyo Sh.dhexe, waxaana odayaasha iyo wax garadaka jufooyinkaasi hoose ee is maan dhaafay ay balan qaadeen in aanu shaqaaqa danbe dhici doonin.

www.keydmedia.net