Beeraleyda Hiiraan oo ku dayacan Buulobarde

Si guud, dhibaato bani’aadannimo oo xooggan ayaa laga soo sheegayaa beeraleyda ku hareereysan Magaalada Buulay, ku dhawaad 1000 qoys oo nolol fiican ku noolaa fatahaadaha ka hor ayaana hadda ku dandareysan Buulobarde.

Warar Keydmedia Online
Beeraleyda Hiiraan oo ku dayacan Buulobarde

BUULOBARDE, Soomaaliya - Nuur Magan Mahdi, oo mar ahaan jiray beeraley isku filan, ayaa hadda barakacay oo xamaali ahaan uga shaqeeysta suuqa degmada Buulobarde ee gobolka Hiiraan, isagoo adeegsanaya gaari-gacan lagu kiraysto lacag aad u yar bishii si uu raashin ugu geeyo guryaha dadka, maalintii wuxuu ka sameeya qiyaastii hal doollar.

"Kuma faraxsani shaqadaan, waxaan kaliya u samaynayaa sababtoo ah ma haysto il kale oo dakhli haddii aan heli lahaa qof i taageera, waxaan jeclaan lahaa inaan dib ugu laabto beeraha.” Ayuu yiri Nuur.

Nuur wuxuu qoyskiisa oo ka kooban 11 qof ula cararay xero barakac oo ku taalla Buulay, 10 -kii Juun, ka dib markii beertiisa oo lix hektar ahayd oo ku taal tuulada Marayley, oo saddex kiilomitir u jirta Buulobarde, ay wajahday biyo la’aan, kadib markii kanaankii biyaha keeni jiray ay meel fog ka burburisay fatahaaddii Wabiga Shabeelle.

“Waxaan ahaa nin sabool ah oo reerkiisa ka biila beerashada, waxaan haystay matoor dhaliya biyaha kanaalka waraabka ilaa beertayda, laakiin waxaa qaaday daadadkii. Kanaalka waxaa sidoo kale burburiyey daadadka sidaa darteed waxaan go’aansaday inaan joojiyo beerashada oo aan reerkayga u raro magaalada,”Ayuu yiri.

Si kastaba, Nuur iyo beeraleyda kale oo dhan ayaa awoodi waayay inay dayactiraan kanaalka burburkiisa fatahaadda sababeen, waxayna intooda badan ku dacan yihiin Buulobarde.

Guddoomiye ku -xigeenka ururka beeraleyda degmada Buulobarde, Nuur Maxamed Kuuli, ayaa sheegay in 68 kanaal oo waraab ah ay ku waxyeeleeyeen fatahaaddii sannadkii 2020.

Si guud, dhibaato bani’aadannimo oo xooggan ayaa laga soo sheegayaa beeraleyda ku hareereysan Magaalada Buulay, ku dhawaad 1000 qoys oo nolol fiican ku noolaa fatahaadaha ka hor ayaana hadda ku dandareysan Buulobarde.

Fatahaadaha ayaa labo nuuc u saameeyay dadka gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe, qeyb waxa ay dhibane u noqdeen daadad xooggan oo ugu tagay guryahooda isla-markaana burburiyay beerahoda, halka kuwa kana aysan arkin daadad, hayeeshee, meel fog biyuhu ka burburiyeen kannaaladii ay ku waraabsan jireen beeraha.

Maamulka Hirshabeelle, ee Jowhar kaliya ka taliya iyo Dowladda federaalka ayaa si cad isaga indho tiray wax ka qabashada arrinka shacabka ay wax yeellada u geysteen daadadku, waxaaana hore DF loogu eedeeyay in ay musuqday lacago loogu talagalay in wax looga qabto fatahaadaha Wabiga.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.