Beesha Caalamka oo Bayaan ka soo saartay arrimaha doorashooyinka

Xafiiska QM u qaabilsan Soomaaliya ee UNSOM ayaa daabacay Bayaan ay soo ka saareen Beesha Caalamka Baahida loo qabo sii socoshada wadahadallada Madaxda Soomaalida.

Warar Keydmedia Online
Beesha Caalamka oo Bayaan ka soo saartay arrimaha doorashooyinka

MUQDISHO, Soomaaliya - Shirkii madasha Iskaashiga Soomaaliya ee dhawaan lagu qabtay magaalada Muqdisho waxaa kasoo qeyb galay dhammaan dadka ku lugta leh in ay si furan isu dhaafsadaan aragtiyadooda ku saabsan horumarka xilligan ka socda dalka iyo in lagu heshiiyo qaab dhismeedka isla-xisaabtanka labada dhinac ee 2021-ka, kaas oo dejinaya mudnaanta muhiimka ah ee siyaasadda loo dhan yahay, amniga, caddaaladda, horumarka bulshada iyo dhaqaalaha.

Si kastaba ha noqotee, saaxiibada Soomaaliya ee caalamiga ah waxay weli si weyn uga walaacsan yihiin khilaafaadka socda ee ku saabsan hirgelinta geeddi-socodka doorashooyinka 2020/21” ayaa lagu yiri warbixinta

Sidoo kale qoondada haweenka in la dhowro ayaa la soo jeediyay “Wadahadallo iyo heshiis dheeri ah ayaa sidoo kale loobaahanyahay si loo xaqiijiyo qoondada haweenka ee boqolkiiba 30 ee gudiyada, ergada dhexdeeda, iyo kuraasta” sida warbixinta lagu yiri.

“Is-afgaranwaaga ayaa u baahan in lagu xaliyo qaab ixtiraamaya heshiiskii siyaasadeed ee 17-kii Sebtember iyo hab-maamuuskii hirgelinta doorashooyinka ee ay kala saxiixdeen hoggaamiyeyaasha Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah dowladda dhexe (FMS) 1dii Oktoobar”. ayaa lagu yiri qoraalka. Waxaana looga digay dhinacyada isku haya arrimaha doorashooyinka in la billaabo hannaan is barbar socda ama la soo rogo guddiyo maareyn ku leh doorashada oo aan buuxin shuruudihii lagu heshiiyey. “Waxay wiiqeysaa sharci ahaanta howlaha doorashada waxayna abuureysaa xasilooni darro” ayaa lagu yiri warbixinta

Qoraalka kasoo baxay xafiiska Qaramada midoobey ee Soomaaliya ayaa mar labaad lagu celiyay baaq loo jeedinayo madaxda DFiyo Dowlad Goboleedyada inay dib u kulmaan si deg deg ah, ayna la xiriiraan daneeyayaasha kale si loo xaliyo tabashooyinka ku saabsan maareynta geedi socodka doorashooyinka iyada oo loo marayo is afgarad si markaa ay u dhacdo doorasho daah furnaan, iyo kalsooni ay ku wada qanacsan yihiin dadka Soomaaliyeed iyo dhammaan daneeyayaasha muhiimka ah.

“Si taas loo gaaro, waxaan soo dhoweyneynaa ballan-qaadka Ra’iisul-wasaare Maxamed Xuseen Rooble ee ahaa inuu isugu yeero hoggaamiyeyaasha magaalada Muqdisho ka dib booqashooyinka uu hadda ku marayo Dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka” ayaa sidoo kale lagu yiri warbixinta.

Warbixinta ayaa loogu ballan qaaday in taageero la siin doono guddiyada doorashooyinka ee heer federaal iyo heer dowlad-goboleedba marka wadahadalka lagu xallinayo khilaafka ka dhashay qaab dhismeedkooda guddiyada doorashooyinka.

Waxay sidoo kale carrabka ku adkeeyeen in la joogteeyo kulammada hoggaamiyaasha Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada inta lagu gudajiro howlaha doorashada.

Aasaasidda kulamada noocan ah ee hogaamiyaasha waxay gacan ka geysan doontaa kahortagga soo noqnoqoshada jahwareerka siyaasadeed ee daba dheeraaday” ayaa lagu dhiirri galiyay dhinacyada ay khuseyso arrintan.

Si taas loo gaaro waxaan ku boorinaynaa dhinacyada inay dib u soo celiyaan ballanqaadyadii ay ka sameeyeen Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee hoos imanaya Qaab-dhismeedka Isla-xisaabtanka 2021 ee hannaanka nabadgelyo ee ku saleysan wadahadalka socda, iyo in la sameeyo hannaan wadahadal looga yeesho geeddi-socodkan oo aan ka yaraan bil kasta

Beesha caalamka ayaa ballan qaadday in toddobaadyada soo socda ay la shaqen doonaan Dowladda Federaalka iyo Hay'adaha Samafalka si loo hormariyo go'aannada kale ee muhiimka ah ee ka socda Madasha Iskaashiga Soomaaliya oo u baahan dabagal degdeg ah.

Waxaana kamida kuwaas dabagalka lagu sameenayo sida

1.      ilaalinta guulaha laga gaaray dib-u-eegista Dastuurka ka hor doorashooyinka.

2.      Wadatashiyada ku saabsan horumarinta qorshe hawleedka 2024/25.

3.      Saxiixa hindise sharciyeedka hanti-dhawrka.

4.      Dhammaystirka qorshaha kala-guurka Soomaaliya. iyo

5.      U diyaar-garowga shirweynaha xoojinta xoogga ee la qorsheeyay Janaayo 2021.

Dhanka kale, waxaa baaq loogu soo jeediyay dhammaan daneeyaasha/saamileyda siyaasadda Soomaaliya in ay ka waantoobaan hadallada ama ficillada abuuri kara xiisado ama hurinta rabshado hor leh!

Shirkii lagu qabtay toddobaad kahor ee Soomaaliya iyo saaxiibada beesha caalamka waxay kala ahaayeen daneeyaasha hoos ku qoran:

African Union Mission in Somalia (AMISOM), Belgium, Denmark, Egypt, Ethiopia, European Union, Finland, Germany, Intergovernmental Authority on Development (IGAD), Ireland, Italy, Japan, Netherlands, Norway, Organisation of Islamic Cooperation (OIC), Qatar, Sweden, Switzerland, Turkey, Uganda, United Kingdom, United States, and the United Nations.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.