Beesha Caalamka oo bogaadisay heshiiskii doorashada

Rajo iyo ifi-faalo wanaagsan oo hordhac ah ayaa la muujinayaa, kadib soo af-meerka shir madaxeedkii u dhaxeeyay Madaxda Soomaaliya oo shantii maalin ee la soo dhaafay ka socday Xarunta Ciidanka cirka Soomaaliyeed ee Afisiyooni, kaas oo maanta la soo gabagabeeyay.

Warar Keydmedia Online
Beesha Caalamka oo bogaadisay heshiiskii doorashada

MUQDISHO, Soomaaliya - Beesha Caalamka ayaa soo dhaweysay shirweynaha Dowladda Federaaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ee maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

War ka soo baxay Wakiillada Beesha Caalamka ee ku sugan Soomaaliya, ayaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble, lagu bogaadiyay sida uu u hoggaamiyay geeddi-socodkan doorashooyinka dalka.

Madaxweynayaasha Maamul goboleedyada iyo Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa sidoo kale lagu ammaanay sida habsanida leh isla markaaana wax ku ool-ka ah ee ay uga qayb qaateen wada-hadallada xalka loogu raadinayay khlaafka ka taagnaa arrimaha doorashooyinka.

“Waxaan hadda ugu baaqaynaa dhammaan saamilleyda inay si degdeg ah horey ugu socdaan si loo abaabulo doorashooyin loo wada dhanyahay oo daahfuran oo dib u dhac la’aan ah”. Ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Beesha Caalamka.

Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Jabuuti, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Poland, Qadar, Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkey, Ughaanda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay. Ayaa ku saxiixan warkaan ka soo baxay Qaramada Midoobay.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.