Beesha Caalamka oo codsi usoo jeedisay madaxda Soomaalida

Beesha Caalamka ayaa waxay codsi usoo jeediyeen Hoggamiyayaasha dalka, iyagoo si gaara uga codsaday in ay heshiis gaaraan.

Warar Keydmedia Online
Beesha Caalamka oo codsi usoo jeedisay madaxda Soomaalida

MUQDISHO, Soomaaliya - Saaxiibada Soomaaliya ayaa dadaal xoog leh ugu jira sidii guul looga gaari lahaa wada-hadallada xerada Afisiyooni ee gogol xaarka u ah Shirka Teendhada Afisiyooni, waxayna baaq usoo jeediyeen xubnaha ka qeyb galaya shir yaraha loogu gogol xaarayo in lagu heshiiyo doorashooyinka.

Warbixinta ayaa lagu billaabay sidan "Iyadoo ay Soomaalidu u diyaar garoobayaan soo dhaweynta Bisha Barakeysan ee Ramadaan, Beesha Caalamku waxay muujinayaan rajo ah in mabaadi'da aasaasiga ah ee milicsiga, dulqaadka, Iscafinta iyo dib-u-heshiisiintu ay u horseedi doonaan guul shir madaxeed oo ay yeeshaan hoggaamiyeyaasha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka

Warbixinta ayaa lagu yiri "Waxaan ku boorineynaa madaxda DFS iyo DXDF inay fursaddan u adeegsadaan inay ku xalliyaan khilaafaadkooda oo ay sameeyaan waxyaabaha lagama maarmaanka u ah si loo hubiyo in doorashadu noqoto mid lagu kalsoonaan karo,waqtigeeda, iyo si nabad ah ku qabsoomi karta  iyadoo aan dib-u-dhac dambe ku imaan si loogu oggolaado Soomaaliya inay horay u socoto."

Waxay u muuqataa in waqtigan quus laga joogo wada-hadallada daba-dheeraaday ee u dhaxeeya madaxda dowladda iyo kuwa dowlad goboleedyada iyo gobolka Benaadir, Beesha Caalamka ayaa markan uhadashay si ka jilicsan sidii hore, waxayna ka codsadeen hoggaamiyayaasha shirka in ay heshiis gaaraan!

Bisha Barakeysan ee Ramadaan in ay soo dhawdahay umaddana ay u diyaar garoobeyso bishaas ayey Beesha Caalamku xasuusiyeen madaxdii umaddooda la doonayay in ay wax waliba ka hormariyaan oo ay dantooda gaarka ah meel dhigtaan si ay u meel mariyaan danta guud ee umadda Soomaaliyeed ka dhaxaysa!

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.