Beesha Caalamka oo dadaal ku bixineysa xal ka gaaridda doorashada Soomaaliya

Wakiilada Beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay xerada Xalane ayaa wada dadaalladii ugu dambeeyay sidii xal waara looga gaari lahaa arrimaha doorashooyinka Soomaaliya

Warar Keydmedia Online
Beesha Caalamka oo dadaal ku bixineysa xal ka gaaridda doorashada Soomaaliya

MUQDISHO, Soomaaliya - Wakiilada Beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay xerada Xalane ayaa wada kulamo ay la leeyihiin Madaxda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Midowga Musharaxiinta, si xal looga gaaro is mari-waaga ka taagan doorashooyinka dalka Soomaaliya, kulamada ay la yeelanayaan madaxda kala duwan ayaa ah kuwo ay kula yeelanayaan Aaladda fogaan-aragga fududeyneysa ee Zoomka iyo kulamo toosa oo ay la yeelanayaan xubnaha ku sugan magaalada Muqdisho.

Qorshaha ay waddo Beesha caalamka ayaa ah in marka hore ay si gaar-gaara ula hadlaan saamileyda siyaasadda, iyagoo ugu dambeyn doonaya in shir la isugu yimaado si looga wada hadlo arrimaha murugsan ee Soomaaliya taasoo laga cabsi qabo haddii la fududeysto in ay keeni karto dhibaato hor leh.

Beesha Caalamka ayaa muddo 2 toddobaad laga joogo kahor ka soo saartay qoraal arrimaha Doorashooyinka iyagoo ku celcleiyay in ay muhiim tahay in xal waaara lag gaaro arrimah Doorashooyinka, sidoo kale waxay carrabka ku adkeeyeen in heshiiskii 17 -kii Sebtemper uu yahay mid aan waxba laga baddali doonin, loona baahan yahay dhinacyadii saxiixay heshiiskaas in ay xaq dhowraan heshiiskaas.

Ugu dambeyn Beesha Caalamka oo ah halka laga hago siyaasadda Soomaaliya ayaa waxay qorsheynayaan in uu qabsoomo shir ay isugu yimaadaan dhinacyada isku diiddan siyaasadda doorashooyinkii la rabay in ay soo billowdaan November 1 -deedii balse dib u dhacay.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.