Beesha Caalamka oo dadaallo kawada Muqdisho

Madaxweyne Qoor-Qoor ayaa kamid ahaa Madaxdii lagu casuumay kulanka Maanta.

Warar Keydmedia Online
Beesha Caalamka oo dadaallo kawada Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Wakiiladda Beesha Caalamka ayaa Muqdisho kawada dadaallo ay ku doonayaan sidii uu ku qabsoomi lahaa Shirka uu Rooble iclaamiyay ee DF iyo Maamullada.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa kamid ah madaxdii ka qeybgalay shir ay ku casuumeen Saaxiibada Beesha caalamka, gaar ahaan kuwa Midowga Yurub, Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo IGAD.

Xaaladda doorashooyinka iyo qabsoomida shirka 20-ka bishan lagu balansan yahay inuu Muqdisho ka furmo, kaasoo al filayo in lagu dhameeyo khilaafka ka taagan hanaanka doorashadda, sida arinta Gedo, Somaliland iyo Gudiyada.

Beesha Caalamka ayaa cadaadis xoog leh ku saareysa Saamileyda siyaasadeed ee Soomaaliya, si loo qabto doorasho wadar-ogol ah, oo si nabad ah ku dhacda sanadkan gudihiisa, iyadoo la raacayo heshiiskii Sep 17.

Qoor-Qoor oo mudo bilooyin ah ku sugan Muqdisho, ayaa shalay la kulmay Wakiilka Midowga Afrika, ahna Madaxa AMISOM, isagoo kala hadlay arrimo ay kamid yihiin amniga Galmudug iyo la-dagaalanka Al-Shabaab.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 9 June 2021 15:42

Inkastoo runtii la qarinayay muddo dheer kadib ay bannaanka timid, hadana arrinta dhaliyarada loo qaaday Eritrea, ayaa sii murugsanaan karta haddii aysan su’aalahaan muhiimka ah ka jawaabin Rooble iyo Kheyre.