Beesha Caalamka oo ka hadashay wadahadallada doorashada

Midowga Africa, Midowga Yurub, IGAD iyo Qaramada ayaa sheegay in si buuxda ay u garab taaganyihiin Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble

Warar Keydmedia Online
Beesha Caalamka oo ka hadashay wadahadallada doorashada

MUQDISHO, Soomaaliya - Beesha Caalamka ayaa taageero u muujisay dadaallada uu wado Ra'iisul Wasaare Rooble, iyagoo ka jawaabayay maanta ergaygii Midowga Afrika ee loo diiday in uu guda galo howshiisa dhexdhexaadinta ayey tilmaameen in ay aad uga xun yihiin tallaabada ay dowladda Soomaaliya ku hor istaagtay danjiraha loo soo magacaabay Soomaaliya.

Midowga Africa, Midowga Yurub, IGAD iyo Qaramada ayaa sheegay in si buuxda ay u garab taaganyihiin Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Xubnahan ayaa waxay soo jeediyeen in si sharuud la’aan ah loo guda galo wada hadallada lagu wado in lagu dhammeystiro arrimaha doorashooyinka ee muranka badan hareeyay.

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Farmaajo ayaan wax door ah ku laheen shirka looga hadlayo arrimaha doorashooyinka ee lagu wado in uu ka qabsoomo caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.