Beesha Caalamka oo ka digtay in la badalo heshiiskii hore ee doorashada

Saaxiibada Beesha Caalamka ayaa sheegay in aysan aqbali doonin in wax ka badal lagu sameeyo heshiiskii Muqdisho lagu gaaray bishii September 2020.

Warar Keydmedia Online
Beesha Caalamka oo ka digtay in la badalo heshiiskii hore ee doorashada

MUQDISHO,Soomaaliya - Qoraal kasoo baxay Beesha Caalamka, ayaa lagu soo dhaweeyay kulanka dhex maraya Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka oo hadda ka socda Magaalada Dhuusomareeb,waxayna muhiimada ay leedahay in dhammaan ka qaybgalayaashu ay si wax ku ool ah uga qaybqaataan kulanka si loogu heshiiyo hirgelinta hanaanka doorashooyinka qaran heshiis kaasoo dhowraya qaabka doorasho ee heshiiskii 17kii Sebtember.

Soo dhaweyn kadib beesha caalamka waxa ay si adag u carabaaben in natiijo kasta oo ka duwan heshiiskii 17kii Sebtember, isla markaana abuuraya geedi-socod kale oo kaas barbar socda aysan aqbali doonin, waxayna siyaasiyiinta ugu baaqeen inay mudnaanta siiyaan sidii hore loogu socon lahaa.

Qoraalka kasoo baxay beesha caalamka ayaa lagu yiri, “Waxaan hoosta ka xariiqeynaa in natiijooyin kasta oo beddel ka ah kii lagu heshiiyay, oo ay ka midyihiin geeddi-socod kale oo kan barbar socda ama doorashooyin qayb ah oo aan loo dhammayn, ama tallaabooyin kale oo aan ahayn hanaanka doorashooyinka lagu heshiiyey, ay noqon doonaan dib-u-dhac aan heli doonin taageerada saaxiibada caalamka. Sidaa darteed, waxaan ugu baaqeynaa dhammaan madaxda siyaasadda inay mudnaanta siiyaan sidii lagu heli lahaan hab horay loogu socdo iyadoo jirin dib u dhac dheeraad ah”.

Shirka dhuusamareeb ayaa socda habeenkii Labaad, waxaana la soo warinayaa in arrimaha qaar la isla fahmay, halka ay wali baaqi yihiin qodobo kale oo muhiim ah.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.