Beesha Caalamka oo ka hor timid muddo kordhinta

War saxaafadeed wadajir ah oo ka soo baxay Wakiillada Beesha Caalamka ee jooga Soomaaliya, ayaa looga soo hor jeestay muddo kordhintii uu Golaha Shacabka u sameeyay Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Warar Keydmedia Online
Beesha Caalamka oo ka hor timid muddo kordhinta

MUQDISHO,Soomaaliya – Qoraal si wadajir ah ay u soo saareen Wikiillda , Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Kanada, Danmark, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka IGAD, Ireland, Italy, Netherlands, Norway, Spain, Sweden, Switzerland, Boqortooyada Ingiriiska, Mareykanka, iyo Qaramada Midoobay, ayaa walaac xooggan laga muujiyay meelmarinta 12kii Abriil uu Golaha Shacabka meelmariyay qaraar lagu bedelayo heshiiskii 17kii Sebtember.

“Waxaan si isdaba joog ah u sheegnay in aan la taageeri doonin geeddi-socod siyaasadeed oo is barbar socda, doorashooyin aan loo dhamayn, ama dadaallo cusub oo keenaya kordhinta muddo xileedkii hore”. Ayaa lagu yiri warka kasoo baxay beesha caalamka.

Wakiilladu waxa ay sheegeen in muddo kordhintu ay wiiqeyso, nabadda, amniga, iyo xasilloonida Soomaaliya, halka ay dib u dhigeyso, qabashada doorashooyin la isla oggol yahay oo ka dhaca dalka.

Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, ayaa lagu boorriyay, in ay sii wadaan wadahadallada, iskana ilaaliyaan ficillada halka dhinac ah ee kicin kara xiisadaha.

“Waxaan ku qanacsannahay in hirgelinta heshiiskii 17kii Sebtember uu yahay hanaanka ugu wanaagsan ee waxqabad ee la heli karo sidaa darteed, waxaan ku boorinaynaa madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka inay si dhakhso leh ugu soo laabtaan wadahadallada”. Ayaa sidoo kale lagu yiri warka saxaafadeedka.

Wakiilladu waxa ay sheegeen in ay diyaar u yihiin bixinta “Adeegyada dhexdhexaadinta si loo fududeeyo loona soo nooleeyo wadahadal loo dhan yahay oo ku saleysan heshiiskii 17kii Sebtember.”

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.