Beesha Caalamka oo ka walaacsan qorshaha Farmaajo

Waxay ku baaqeen in heshiis laga gaaro khilaafaadka ka taagan doorashadda Xildhibaanadda Gedo iyo kuwa Somaliland, oo Farmaajo si gaar ah ula wareegay.

Warar Keydmedia Online
Beesha Caalamka oo ka walaacsan qorshaha Farmaajo

MUQDISHO, Soomaaliya - Wakiiladda Beesha Caalamka ee Soomaaliya ayaa soo saarey qoraal wadajir ah, oo ay uga hadleen arrimaha doorashooyinka dalka iyo khilaafaadka ka taagan hanaanka loo marayo.

Waxay sheegeen inay ka walaacsan yihiin qaabka uu Farmaajo u maareeyay dhismaha gudiyadda doorashadda, oo mucaaradka ay qaylo dhaan ka muujiyeen kaidb markii lagu soo darey xubno katirsan Sirdoonka NISA iyo shaqaalaha dowladda.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Beesha Caalamka ku baaqayso in xal laga gaaro muranka doorashadda Xildhibaanada gobolka Gedo iyoSomaliland, si loo helo daahfurnaanta, sharciyad iyo wadar-ogol geedi-socodka doorashada.

Waxaa loogu baaqey Farmaajo inuu wadatashi la sameeyo saamileyda siyaayadda dalka, islamarkaana laga fogaado khilaaf keeni kara dib u dhac doorashadda loo balansan yahay inay billaabato December.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 9 June 2021 15:42

Inkastoo runtii la qarinayay muddo dheer kadib ay bannaanka timid, hadana arrinta dhaliyarada loo qaaday Eritrea, ayaa sii murugsanaan karta haddii aysan su’aalahaan muhiimka ah ka jawaabin Rooble iyo Kheyre.