Beesha Caalamka oo kusoo biirtay shirkii Xalane

Xubnaha Beesha Caalamka ee C6+ ayaa kusoo biirtay shirkii xerada Xalane uga socday shanta madaxweynayne ee dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda dhexe ee Soomaaliya

Warar Keydmedia Online
Beesha Caalamka oo kusoo biirtay shirkii Xalane

MUQDISHO, Soomaaliya - Shirkii u dhaxeeyay Madaxda Dowlad goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa kusoo biiray Wakiilada Beesha caalamka ee C6+.

Shirka oo ay kasoo qeyb galeen dhamaan madaxda Dowlad goboleedyada shanta ah iyo wakiilada beesha caalamka sida Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay uqaabilsan Soomaaliya, Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya, Ergeyga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya iyo waliba safiirada Midowga Yurub iyo UK ayaa looga arrinsanayaa arrimaha doorashooyinka dalka.

Xubnaha ka socda Beesha Caalamka ee ka qeyb galaya shirka ayaa waxay ku dhiirri galinayaan dhinacyada is hor fadhiya in la isku soo dhawaado, tanaasulna la sameeyo si dalka uu u aado doorasho, xubanaha beesha caalamka ee fadhiga ku sugan ayaa la kulmi doona madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Farmaajo si ay dhankiisa isna ugu qanciyaan in is-af-garad laga gaaro arrimaha doorashooyinka, lagana saaro muddo kororsig, doorasho hal dhinac ah ama mid bar-bar socota nidaamka saxda ah, sidoo kalena la dhaqan galiyo heshiiskii 17 -ka Sebtember iyo sidoo kale soo jeedintii 16 -ka Febaraayo ee magaalada Baydhabo.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.