Beesha Caalamka oo qoraal Jawaab u ah DF soo saartay

Qaramada Midoobey, Midowga Yurub, Urur Gobaleedka IGAD iyo Midowga Afrika ayaa waxay soo saareen qoraal wada-jir ah oo ay ku caddeynayaan moqfifkooda siyaasadda Soomaaliya

Warar Keydmedia Online
Beesha Caalamka oo qoraal Jawaab u ah DF soo saartay

MUQDISHO, Soomaaliya - Dhawaan ayey ahayd markii xukuumadda xil gaarsiinta ah ee Soomaaliya ay soo saartay qoraal ay ku codsaneyso in la dhowro madaxbannaanideeda iyadoo ku durtay qaar kamida xubnaha wakiilada Beesha Caalamka oo farriimo toosa u soo diray madaxda ugu sarreysa dalka kuwaasoo ay dowladdu cka carootay.

War-saxaafadeed ay si wada jir ah ugu saxiixan yihiin Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, Midowga Yurub, Urur Gobaleedka IGAD iyo Midowga Afrika ayaa lagu sheegey in ay ixtiraamayaan Madax-banaanida Soomaaliya iyagoo iska fogeeyay eedda la maldahay ee loo jeediyay qaar kamida xubnaha beesha caalamka.

Xubnaha ku saxiixan waraaqda ayaa ugu baaqay madaxda Soomaalida inay dib ubilaabaan wadahaladii iyagoo ku baaqay in meesha laga saaro hakadka ku yimid wadahadallada ee dhawaan lagu kala tagay.

Halkan hoose ka akhriso war-saxaafadeedka

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 May 2021 9:42

Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, dad lagu qiyaasay 2.6 million oo baaralay u badan ayaa kasoo barakacay degaanadooda ku yaalla labada gobolka ee caanka ku ah Beeraha [Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe].