Beesha Caalamka oo shir la leh Siciid Deni

Xubno ka tirsan Beesha Caalamka ayaa gaaray magaalada Garowe ee xarunta dowlad goboleedka Puntland, halkaas oo ay kula kulmeen madaxweyne Siciid Deni.

Warar Keydmedia Online
Beesha Caalamka oo shir la leh Siciid Deni

GAROWE, Soomaaliya - Wafdi kasocda Midowga Yurub oo uu hoggaaminayo Ergayga Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolás Berlanga Martínez, ayna qeyb ka yihiin safiirada dalalka Talyaaniga iyo Sweden ee Soomaaliya Alberto Vecchi iyo Staffan Tillander ayaa gaaray Garowe, waxayna shir albaabada u xiran yahay la qaateen madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Madaxweyne Deni ayaa soo dhaweeyay wafdiga waxayna wada qaateen kulan ay uga hadlayeen guud ahaan xaaladda Soomaaliya gaar ahaan midda doorashooyinka oo muran xoog leh uu ka taagan yahay. Wafdiga ayaa maanta kasoo baxay magaalada Muqdisho iyagoo shalay la shiray Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo shir isugu yeeray madaxda dowlad goboleedyada Soomaaliya si loo dhammeystiro saxiixa is af-garadkii ay guddiga farsamada ku gaareen magaalada Baydhabo dabayaaqadii toddobaadkii hore.

Wafdigan maanta tagay magaalada Garowe ayaa u aaday halkaas si ay u qanciyaan madaxda dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland oo ka biya-diidsan heshiiska madaxweyne Farmaajo, waxayna horay usoo saareen in ay u baahan yihiin damaanad-qaad, si guul looga gaaro shirka ka furmaya magaalada Muqdisho.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 9 June 2021 15:42

Inkastoo runtii la qarinayay muddo dheer kadib ay bannaanka timid, hadana arrinta dhaliyarada loo qaaday Eritrea, ayaa sii murugsanaan karta haddii aysan su’aalahaan muhiimka ah ka jawaabin Rooble iyo Kheyre.