Beesha Caalamka oo shir la leh saddex Maamul

Shir gaar ah ayaa waxaa uu usocdaa wakiilada Beesha Caalamka iyo madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed

Warar Keydmedia Online
Beesha Caalamka oo shir la leh saddex Maamul

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa gudaha Xerada Xalane shir uu uga socdaa xubnaha wakiilada Beesha Caalmka iyo madaxweynayaasha Dowlad goboleedyada aan miisaanka badan ku laheen shirka Afisiyooni ee kala ah Qoorqoor, Guudlaawe iyo Laftagareen.

Shirkan ayaa yimid kaddib markii uu maanta soo gabagaboobay shirkii Afisiyooni kaasoo kusoo dhammaaday natiijo la'aan iyo is eedeyn madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday iyo madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland kuwaasoo midba midka kale uu ku eedeeynayo fashilka ku yimid shirkii hordhaca u ahaa shir weynaha Teendhada Afisiyooni kaasoo la filayay in maalmaha soo aadan uu ka billaaban doono Teendhadii lagu doortay afar sano kahor madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Farmaajo.

Ujeedada ugu weyn ee kulanka ayaa lagu sheegay in ay tahay in saddexdan madaxweyne ay taabacsan yihiin madaxweyne Farmaajo islamarkaana ay u hoggaansamaan awaamiirta iyo talada uu soo jeediyo in aysan iyagana dhankooda fashilka shirka aysan ka hadlin, shikana aysan ka bixin maadaama aysan khilaafin awaamiirta madaxweynaha sida horay looga bartay, waxaana xubnaha beesha caalamku ay quud-darreynayaan in shirku uu sii socdo, waxaana madaxweynayaasha saddexda maamul goboleed lagu qancin doonaa in aysan shirka ka bixin, islamarkaana aysan ku laaban degaannadooda.

Beesha Caalamka ayaa horay ugu sheegtay madaxweynayaasha dowlad goboleedyaa in aysan ka bixin muqdisho ilaa heshiis laga gaaro arrimaha doorashooyinka, waxayna u muuqataa in tani ay dhici karto haddii aysan sii wadin dadaallada dheeraadka ah ee ay Beesha Caalamku ka waddo madaxda isku haysata arrimaha doorashooyinka.

KEYDMEDIA ONLINE 

Commenting is not available in this channel entry.