Beesha caalamka oo soo dhaweysay Guddiyada Jubaland iyo Puntland

Beesha caalamka ayaa soo dhaweysay Guddiyada Heer Dowlad Goboleed ee Jubaland iyo Puntland ku dhawaaqeen 27-kii bishan Janaayo.

Warar Keydmedia Online
Beesha caalamka oo soo dhaweysay Guddiyada Jubaland iyo Puntland

MUQDISHO, Soomaaliya - Beesha caalamka oo la aaminsan yahay in ay cadaadis ku saareen Jubbaland iyo Puntland soo magacaabidda Guddiyadaan ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan isla markaana arintaan ay gacan ka geysan karto abuuridda jawi dagan.

Sidoo kale beesha caalamku waxay soo dhaweyeen soo jeedintii maamulada ee ahayd in la isugu yimaado shir degdeg ah oo ay kulmaan madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah, si loo xalliyo is mari waaga ka taagan hirgelinta nidaamka doorashada.

Beesha caalamka waxa ay ku baaqeen helidda hanaan doorasho oo mid ah oo lagu heshiiyay,  waxayna ka digeen in la qabto doorashooyin is barbar socda ama aan loo dhamayn.

Waxa ay hoosta ka xariiqeen in ay waajib tahay ilaalinta iyo xaq-dhowrka saxaafadda, iyo damaanad qaadidda qoondada haweenka ee boqolkiiba 30-ka ah.

Waxaa si wada jirka ah war bixintaan usoo saaray, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub, Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Holand, Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkey, Ughaanda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, ee Qaramada Midoobay.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.