Taaliye Saadaq John oo is hortaagay fadhigii Baarlamanka
Beesha Caalamka ayaa soo dhaweysay heshiiska hordhaca ah ee ay gaareen RW Soomaaliya iyo golaha midowga musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya 2021
MUQDISHO, Soomaaliya - Xafiiska qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa soo saaray qoraal lagu boogaadinayo heshiiska dhexmaray RW Rooble oo ay la socdaan madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Benaadir iyo golaha midowga musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya 2021.
Qoraalka ayaa aad loogu boorriyay heshiiskii xalay lagu gaaray magaalada Muqdisho, waxa uuna hordhac uyahay xal ka gaaridda bannaanbaxyadii lagu qabanayay magaalada Muqdisho ee ay dowladdu diidday.
Heshiiska ayaa la sheegay inuu yahay mi ay dani ugu jirto guud ahaan umadda Soomaaliyeed, waxaana lagu boogaadiyay labada dhinac in ay horay usii amba-qaadaan xallinta arrimaha la xiriira doorashooyinka taasoo ay si weyn iaugu diidanaayeen labada dhinac.
Tallaabada lagu dhammeynayo muranka la xiriira doorashooyinka ayaa rajo wanaagsan galineysa umadda Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Muqdisho oo baqdin ka qabay colaad.
KEYDMEDIA ONLIME
Add comment
Comments