Beesha Caalamka soo bandhigtay qodobo muhiim u ah doorashadda

Amniga waa Mudnaanta kowaad, waayo hadii aysan jirin xasilooni, waxaa adkaan doonta in doorashadda u dhacdo sidii la rabey.

Warar Keydmedia Online
Beesha Caalamka soo bandhigtay qodobo muhiim u ah doorashadda

MUQDISHO, Soomaaliya - Dalalka Beesha Caalamka ayaa ku baaqey in wax laga qabto saddex qodob oo la xiriira doorashadda Soomaaliya, taasoo Khamiistii, July 29 ka billaabatay Kismaayo.

Qodobada ay ku celceliyeen, kuna baaqayaan in Mudnaanta la siiyo ahaa kala ah, amniga, qoondada haween [30%] ee kuraasta Baarlamaanka iyo xalinta qabashooyinka beelaha qaar, sida Gedo, HirShabeelle iyo Somaliland.

War qoraal ah oo kasoo baxay Beesha Caalamka shalay ayaa lagu shaaciyay in ay bogaadinayaan billaabashadda doorashadda mudada saddexda jeer dib u dhacday, waxayna hoosta ka xariiqeen in ay jiraan wali caqabado dhowr ah oo keeni kara in waqtiga doorashadda uu jiitamo.

Waxay bogaadiyeen tallaabooyin uu qaadey Rooble, ee ku aadan doorashadda iyo wadatashiyadda ay sameynayaan dowladda iyo Maamullada ee ku aadan hanaanka doorashadda Soomaaliya oo sanadkan noqday mid khilaaf badan hareeyay.

Madaxda maamullada wali dhamaantood ma aysan soo gudbin liiska musharixiinta Aqalka Sare, waxaana soconaya olole xoog leh oo lagu doonayo in qof walba uu kusoo saaro Musharixiinta xulufada yihiin.

Madaxda Maamullada ayaa awood loo siiyay inay soo xulaan Musharixiinta Aqalka Sare oo 54 kursi ka kooban, waana arin walaac ku beertay siyaasiyiin badan oo xaaladda ku xun tahay, kuwaasoo kamid ah Mucaaradka.

Marka laga reebo Jubbaland iyo Puntland, saddex maamul ee kala ah Galmudug, HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed waxaa la rumeysan yahay inay soo saari doonaan Xildhibaanno uu Fahad Yaasiin u gudbiyay intooda badan oo Farmaajo u codeeya Oct 10.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 20 September 2021 18:56

Khabiir amni ayaa ku doodaya in loo baahan yahay in la furo baariska dilkii Injineer Yariisow, si xal loogu helo, xaaladda cakiran ee la xariirta baarista kiiska Ikraan Tahliil Faarax, iyo saraakisha kale ee NISA.