Beesha Habar-gidir oo taageertay ‘CC Shakuur ’

Kulan Muqdisho ka dhacay ayay Beesha Habar-gidir taageero ugu muujisay hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. 

Warar Keydmedia Online
Beesha Habar-gidir oo taageertay ‘CC Shakuur ’

MUQDISHO, Soomaaliya - Beesha Habar-gidir ayaa maanta kulan taageero ah u sameeysay Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ahna musharax Madaxweyne ee doorashada sanadka 2020/21.

Kulanka waxaa kasoo qayb galay Siyaasiyiin, Oday dhaqameedyo, Haween, Aqoonyahanno, Ganacsato, Dhalinyaro, Waxaana sidoo kale goobjoog ahaa guddoonka sare ee dhaqanka iyo Midnimada Beesha Habar-gidir oo uu horkacayo guddoomiyaha Golaha Professor Cabduqaadir Maxamad Shirwac.

Taageeradaan uu Cabdiraxmaan Cabdishakuur ka helay Beesha H/gidir ayaa bilow u ah ololihiisa doorasho, iyadoona muujineysa in taageeradaan beesha uu kaga xoogganaan doono Siyaasiyiin qaar oo aan weli ku dhawaaqin Musharaxnimadooda, balse lagu wado inay dhowaan shaaciyaan.

Beesha Habar-gidir ayaa hoggaamiyahaan ka balan qaaday in ay garab iyo cudud isugu geyn doonto sidii uu heli lahaa Kursiga ugu Sarreeya dalka ee madaxweynaha.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa haatan ka mid ah siyaasiyiinta ugu mucaaradsan dalka, kuwaas oo qaarkood u hanqal taagayo Kursiga doorashada madaxweynaha 2020/21, waxaana xusid mudan in CC Shakuur uu horey u diiday ku biiritaanka Madasha Xisbiyada Qaran oo ay ku mideysan lix Xisbi mucaarad.

KEYDMEDIA ONLINE 

Commenting is not available in this channel entry.