Xildhibaanno safka hore uga jira raadinta Nabada Muqdisho

Beesha Murasade oo ka mid ah beelaha waaweyn Hawiye ayaa deeq xoolo nool, raashin iyo iidaankiisa gaarsiiyay ciidanka ka soo hor jeestay damaca Farmaajo ee muddo kordhinta.

Warar Keydmedia Online
Xildhibaanno safka hore uga jira raadinta Nabada Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Mid ka mid ah beelaha Soomaaliyeed ayaa maanta deeq xoolo, raashin iyo iidaan, isgu jirta gaarsiiyay ciidanka Militariga ah ee ka dhiidhiyay muddo kordhinta loo sameeyay Maxadamed Cabdullaahi Farmaajo.

Guddoomiyaha dhaqanka beelaha Hawiye, Nabaddoon Maxamed Xasan Xaad, ayaa Ciidanka ku sugan degmada Holwadaag, gaarsiiyay Shan neef oo geel iyo deeq raashin ah, oo ay u soo wakiisheen beesha Murusade, waxaana ka guddoomay Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo guddoomiye u ah guddi loo xil saaray ka war qabka ciidanka gadoodsan.

Xildhibaan Mahad Salaad, ayaa u mahad celiyay Nabaddoon Xaad iyo beesha Murusade oo deeqdaan bixisay, wuxuuna sheegay in ciidanka lagu afurin doono, beelaha kale ee deggan magaalada Muqdisho ayuu ugu baaqay in tallaabadaan oo kale qaadaan.

Ciidamada diidan muddo kordhinta oo la baxay magaca Badbaadada Qaranka, ayaa wali ku sugan fariisimihii ay ka samyesteen Bartamaha, Koofurta iyo Waqooyiga Caasimadda, waxayna ka biya diideen, in ay dib ugu laabtaan xarumahodii, ka hor inta Farmaajo banneynayo Madaxtooyada.

Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo, Taliyaha Nabad-sugidda, Fahad Yaasiin, iyo Saraakiisha ku aragtida ah ayaa wada qorshe dagaal, waxayna ciidammo ka soo daad gureynayaan gobolla dalka si mar kale magaalada uga billowdaan isku dhacyadii la qaboojiyay.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 May 2021 9:42

Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, dad lagu qiyaasay 2.6 million oo baaralay u badan ayaa kasoo barakacay degaanadooda ku yaalla labada gobolka ee caanka ku ah Beeraha [Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe].