Beesha leelkase: Colaadii Garsoor Gar leexsan ayeey ku dhamaatay

GALKACYO(KEYDMEDIA)Qaar ka mid ah odayaasha iyo waxgaradka beesha leelkase ee waqooyga Galkacyo kula dagaalantay C.raxmaan Faroole ciidankiisa ayaa waxa ay sheegeen in colaadii Galkacyo ka dhacday ee dhex martay beesha leelkase iyo tan faroole lagu soo dhameeyay gar eexo.
Warar Keydmedia Online
Beesha leelkase: Colaadii Garsoor Gar leexsan ayeey ku dhamaatay
Xildhibaano ku heyb ah Faroole uuna ka mid yahay Xasan Abshir oo goobta gaaray ayaa heshiis qoor qabad ah waxa ay dhex dhigeen dhinacyadii dagaalamay iyadoo aan si faahfaahsan looga wada hadalin sababta colaada iyo gabood faladii maamulka Faroole uu ka geestay deegaankaasi sidaa waxaa u sheegay keydmedia oday dhaqameed codsaday inaan magaciisa la isticmaalin. Colaadii ka dhacday waqooyga Galkacyo ayaa aheyd mid sababtay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad ka soo jeeda waqooyga galkacyo, waxaana la soo warinayaa in aan marnaba la soo hadal qaadin magta dadkii ku geeriyooday colaadaasi [url=http://www.keydmedia.net]http://www.keydmedia.net[/url]