Ma dhacayaa Berri Bannaabaxa looga soo horjeedo Farmaajo?

Wasaaradda Amniga waxay bixisay ogolaanshaha lagu qabanayo bannaanbaxa, iyadoo ay jirtay diidmada duqa Caasimadda Cumar Filish.

Warar Keydmedia Online
Ma dhacayaa Berri Bannaabaxa looga soo horjeedo Farmaajo?

MUQDISHO, Soomaaliya - Cismaan Maxamuud Cadaawe, oo ah gudoomiyaha Bulshadda Banaadir, oo shir jaraa'id Maanta ku qabtey Muqdisho ayaa shaaciyay in dib loo dhigay bannaanbaxii berri ka dhici lahaa magaaladda, kadib markii ay soo farageliyeen Odayaasha dhaqanka gobolka iyo Musharixiinta mucaaradka.

Wuxuu Gudoomiyaha sheegay in aan la iska-deyn mudaharaadka, balse dib loo dhigay oo kaliya, islamarkaana Axada soo socota laga fariisan doono farsamadiisa iyo goorta la qaban doono. Maamulka gobolka Banaadir ayuu ku eedeeyay inuu tafsiir xun/qaldan ka bixiyay banaanbaxa, oo ku tilmaamay fal-dembiyeed, sidaas darteedna aan la qaban karin.

Dadka naga codsadey inaan dib u dhigno mudaharaadka waxaa kamid ah Midowga Mushariixinta iyo Odayaasha dhaqanka G/banaadir," ayuu yiri Cadaawe.

Wuxuu intaasi ku darey in bannaanbaxa uu ahaa mid nabdoon, oo loogu tala-galay in lagu taageero RW Rooble, islamarkaana lagu dalbado in lasoo dedejiyo doorashadda, oo raagtay.

Gudoomiyaha B/Banaadir ayaa xusay in bannaanbaxa sababta loo baajiyay ay kamid tahay in laga hortago rabashado ka dhaca Caasimadda, islamarkaana ay dad ku dhintaan, maadaa Cali Yare oo ah gudoomiyaha dhanka amniga G/Banaadir ku hanjabay inuu joojin doono.

Shacabka ayaa wadnaha farta ku hayay oo berri ka baqayay in magaaladda wadooyinkeeda la xiro, maadaama maamulka Gobolka uu diiday in la dhigo banaanbax looga soo horjeedo Farmaajo. Cali Yare ayaa ah in aad ugu dhaw Farmaajo, oo loogu yeero "Jeeb-ku-jire".

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.