Beyle oo beeniyay in xayiraada laga qaadey Qaadka Kenya

Wasiirka ayaa sheegay in hadalkiisii shalay si qaldan loo tarjumay, islamarkaana uusan soo hadal qaadin Qaadka Miiraa ee laga keeni jiray Kenya.

Warar Keydmedia Online
Beyle oo beeniyay in xayiraada laga qaadey Qaadka Kenya

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaalle Beyle ayaa maanta beeniyay in dowladda Federaalka ay xayiraadii ka qaadey Qaadka Miiraa ee laga keeni jiray dalka Kenya.

Wuxuu sheegay in hadalkiisa si qaldan loo tarjumay, islamarkaana uusan shalay ka hadlin arinta Qaadka Kenya, balse uu sheegay in cidna si gaar ah ugu xirnayn Qaadka Hareeriga ee laga keeno Itoobiya.

"Waxaan ka hadlay oo aan doonayo inaan caddeeyo Qaadka Hareeriga ee Soomaaliya yimaado, oo dadka qaar yiraahdeen qolo ama dad gooni ah ayay u xiran tahay, muhiimadda ugu wayn waxay ahayd inaan halkan ka caddeeyo inaan Qaadka Hareeriga cid gooni ah u xirnayn, oo qof kasta soo dejisan karo," ayuu yiri Beyle.

Wasiirka ayaa xusay in hadalka uu yiri dadka qaar si qaldan u fasirteen, wuxuuna ku celiyay in cid kasta oo ruqasadda qaadata, oo bixisa Canshuurta dowladda ay keensan karto Qaadka Hareeriga ee laga keeno Itoobiya.

Warbaahinta ayaa inta badan ka dhigay hadalka Wasiirka inuu ula jeedo Qaadka Miiraa in xayiraadda laga qaadey, islamarkaana dowladda fasaxday dalka in lasoo geliyo.

Qaadka Miiraa ayaa la joojiyay sanadkii tagey, waxayna tallaabadaasi ku tilmaantay dowladda mid lagu yareynayo fidista COVID-19, balse markii dambe saameysay xisaadda diblomaasi ee labada dal.

Maalin walba, Muqdisho waxaa kasoo degi jiray 16 illaa 18 diyaaradood oo Qaad ka keenay Kenya, iyadoo ay Ganacsatada Kenyaatiga iyo Beeralayda ay dhaqaalo badan oo Malaayiin dollar ah ka heli jireen.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.