Bisha Ramadaan oo la arkay (Ramadan Karim)

Degmooyin iyo Gobalo ka tirsan dalka ayaa caawa laga arkay Dhalashada Bisha Barakeysan ee Ramadaan.
Warar Keydmedia Online
Bisha Ramadaan oo la arkay (Ramadan Karim)

Goobaha laga arkay bisha ayaa waxaa ka mid ah Degmada Waabari, Xamar Jajab iyo Degmada Xamarweyne, waxaana sidoo kale laga arkay Degmooyinka Afgooye, Qoryooley iyo Magaalada jawhar ee Gobalka Sh.dhexe.

 Dhamaan Maamulada kale duwan ee Dalka oo isugu jira muxaafad iyo mucaarad waxa ay isku raaceen in maalinimada bari ah ay tahay Ramadaan.

 Xafiiska wararka Keydmedia.net ee Magaalada Muqdisho oo tan iyo caawa il gaar ah ku hayay arinta Dhalashada bisha Ramadaanka waxa uu ugu Bishaareynayaa umadda Muslimiinta ah Dhalashada bisha Ramadaan.

www.keydmedia.net