Bishaaro Bishaaro bishaaro…

Kassel (Keydmedia) - Waxaa loogu bishaaraynayaa dhamaan Jaaliyada Somaliyeed ee kunool wadanka Jarmal iyo wadamaha Dariska la ah, in loo qabanayo shir Diineed oo aad uqiima badan.
Warar Keydmedia Online
Bishaaro Bishaaro bishaaro…

Waqtigu waa…29 April ila 1 Mai 2011 - 29.04 - 01.05.2011

Goobtu waa magaalada khayrka badan ee Kassel-Germany. Culimada kasoo qayb galaysa waxaa kamid ah:

Sh. Cusman Usuuli          England    
Sh. Cusman Xaji             Germany    
Sh. Macalin Xusen          Germany    
Ustad.  Jamal  Sjawie     Hamburg    auf deutsch

Waxaa kaloo larajeynayaa iney kasoo qaybgalaan:

Dr. Axmad  Dahir Aways      England.
Sh. Mustafa Xaji Ismacil      Norway.

mawaadiicda looga hadli doono waxaa kamid ah:

* Qofkuu Ilaahay Khayr ladoono Diintuu fahamsiiyaa.
* Ilaalinta Qoyska Muslimka ah ee qurbaha kunool.
* Midnimada: macnaheeda iyo qiimaheeda…
* Nolosha Wanaagsani maxay tahy sideese loogaaraa?
* Muminka Awooda leh ayaa ka kahyr badan kann kale.
* muslim baan ahay maxay kadhigan tahay?? Auf Deutsch
* Iyo kuwa kale oo badan…

Waxaa kaloo Shirka lagu lafaguri doonaa xaalada jaaliyada Somaliyeed ee Jarmal dhinacyada; Bulshada, Ururada, Xiriirka,  wadashaqaynta, Sportiga iwm.

Hadaba waxaa laga rabaa Jaaliyada Somaliyeed inay si wacan uga soo qayb gasho.




Warar 20 February 2021 1:45

Safaaradda Mareykanka ayaa sheegtay in dad gaaraya 20 qof ay ku dhimatay dagaalka Muqdisho, inkastoo macluumadka ay Keydmedia Online haleysa sheegaya in ku dhawaad 60 qof ay ku dhinteen.