Biyo La’aan Ka Taagan Jaziiradaha Gobbolka Jubbada Hoose

Kismaayo (KON) - Wararka ka imaanaya deegaanada Jaziirada Koonfureed ee gobbolka Jubbada Hoose ayaa soo sheegaya in halkaasi ay ka taagantahay xaalad biyo la'aan oo aad u daran, ayadoo arrintaasi ay wada saameysay qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool deegaanadaasi.
Warar Keydmedia Online
Biyo La’aan Ka Taagan Jaziiradaha Gobbolka Jubbada Hoose

Jaziiradaha Kudhaa, Madhabo, Buurgaabo iyo deegaano kale ayaa kamid ah meelaha ugu daran ee laga soo sheegayo xaaladaha biyo la'aaneed, waxaana goobjoogayaal deegaanadaasi ku suggan ay KON u sheegeen in halkii Jirgaan ee biyaha ah uu ka maraayo deegaanadaasi ilaa 50 kun oo shilinka Soomaaliga ah.

Roobabkii oo yaraaday iyo Matooradii biyaha deegaanadaasi oo ciladoobay ayaa sababay in deegaanadaasi ay ka dhalato dhibaato dhanka biyaha ah.

Keydmedia Online -Xafiiska, Kismaayo