Deni: Fahad Yaasin waa in la badalaa hadii ay doorasho dhaceyso
Hoos u dhacaan laga dareemayo qiimaha lagu raaco gaadiidka oo loo yaqaano BL ayaa imaaday markii Magaalada laga qaaday jidgooyooyinkii sharci darada ahaa.
Qaar ka mid ah wadayaasha gaadiidka dadweynaha ee magaalada Muqdisho oo maanta la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay in markii la qaaday isbaarooyinka islamarkaana ay meesha ka bexeen lacagihii xad dhaafka ahaa ee laga qaadi jirey ayaguna ay hoos u dhigeen qiimaha ay dadweynuhu ku raacaan gaadiidka.
"Alxamdullilah Hadalkii Madaxweynaha aad iyo aad ayaan usoo dhaweenay waayo Isbaarooyinkaas waxaa nooga bixi jiray Lacago farabadan" Ayuu yiri Axmed Nuur oo Muqdisho ka shaqeysta.
Lacagta laga qaado Dadka ayaa h haatan 3000 ilaa 4000 oo Shilin Soomaali kahornah waxey ahaan jirtay gaadiidka BLka ah ee u kala goosha Zoobe iyo Xamarweyne 10,000 Sh. So.
Ciidamda Dowlada ayaa ku guuleesteen iney Isbaarooyinka Sharci daradda ah ka qaadaan Caasimada.
Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho
Add comment
Comments