Bannaan-baxyo looga soo horjeedo Sicir-bararka oo Garowe ka socda

Magaalada Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland waxaa ka socda bannaan-baxyo rabshado wata oo looga soo horjeedo Sicir-bararka ka jira deegaanada Puntland

Warar Keydmedia Online
Bannaan-baxyo looga soo horjeedo Sicir-bararka oo Garowe ka socda

GAROOWE - Xarunta Maamulka Puntland ee Garoowe waxaa ka socda bannaan-baxyo rabshado wata kuwaasoo dadka deegaanku ku diiddan yihiin sicir-bararka wax laga qaban waayay ee kusii faafaya dhulka Puntland ay maamusho.

Dhallinyaro haween iyo wax garad ku sugan magaalada Garoowe ayaa saakay isugu soo baxay waddooyinka waa weyn ee magaalada Garoowe, iyagoo dhagaxaan ku xiray waddooyinka, una diiday gawaarida in ay isticmaalaan waddooyinka. Bannaan-baxayaasha ayaa aad u diidan sicir-bararka ay dowladdu xakameyn weysay kaasoo sababay islamarkaana ciriiri galiyay qoysas badan oo dan yar ah.

Magaalada Garowe waxaa joogsaday gabi ahaanba qaadashada lacagta shilin Soomaaliga, iyadoo magaalooyinka kale sida Boosaaso horay looga diiday lacagaha shilin Soomaaliga loogana dhigay bannaan-baxyo waa weyn ayaan ilaa iyo hadda aysan jirin wax isbadal ah oo ku yimid arrintaasi.

Maamulka Siciid Deni ayaa horay isugu dayay tallaabooyin uu ku xakameynayo sicir-bararka islamarkaana wax looga qabanayo qaadasha la'aanta ku timid lacagaha shilin Soomaaliga ah taasoo aan ilaa iyo hadda wax muuqda laga qaban, guddi wasiiro iyo xildhibaano isugu jira oo la magacaabay ayaa go'aano soo saaray si looga hor tago sicir-bararka, weliba waxaa ka jira deegaanada Puntland bannaan-baxyo ay dhigayaan dad careysan oo kasoo hor jeeda wax ka qabasha la'aanta arrintan ciriiriga nololeed abuurtay.

KEYDMEDIA ONLINE 

Commenting is not available in this channel entry.