Boobka doorashada “Beesha Caalamkaa” raalli ka ah

12-kii April, markii Farmaajo, samaystay muddo kodhitii labada sano, [Sharci-darro], Beesha Caalamka, lama imaan qorshe cad, waxa ay kaliya ku celceliyeen, in dib-u-dhac doorasho, mid is-barbar socota iyo muddo kordhin aan la aqbali doonin.

Warar Keydmedia Online
Boobka doorashada “Beesha Caalamkaa” raalli ka ah

MUQDISHO, Soomaaliya – Dhamaadki Sannadkii 2018, Ergeygii Gaarka ahaa ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya, Nicholas Haysom, ayaa muujiyay walaac xooggan oo ku aaddan boobkii ay Madaxtooyada Soomaaliya kula kacday doorashadii dhiiggu ku daatay ee Maamulka Koofur galbeed, taas oo kursiga Madaxweynaha lagu saaray Cabdicasiis Laftagareen.

Cabashadaas uu muujiyay awgeed, Villa Soomaaliya, waxa ay ku war-galisay Nicholas, in aan dalka looga baahneyn, [Persona non grata] waxaana Antonio Guterres, lagu booriyay inuu soo magacaabo wakiil cusub, maadaama aysan Kooxda Farmaajo u baahneyn ergay runta abbaaraya oo aan indhaha ka qarsaneyn boobka doorashada.

Xilligaas, wakiillada Beesha Caalamku, dhag-jalaq uma siin dhageysiga walaaca u muuqday, Nicholas Haysom, oo dareensanaa in hannaanka doorashooyinka maamullada oo is xig-gigay iyo midda Dowladda Federaalka ay qaadi doonaan jidka middii ka dhacday Baydhabo.

Guterres, wuxuu aqbalay soo jeedintii xaafiiska Farmaajo, wuxuuna soo magacaabay ergay cusub, James C. Swan, kaas oo xalaaleeyay doorashadii boobka ahayd ee KG, isla-markaana aan waxba ka soo qaadin, dhiigga shacabka ee la daadiyay iyo xarigga siyaasiyiinta ilaa maanta xiran.

Bulshada Soomaaliyeed, oo rumeysan in siyaasiyiintu yihiin boobayaal aan xishoon, ayaa Beesha Caalamka ka sugeysay in ay hannaanka doorashada jidka toosan ku soo celiyaan, maadaama ay iyagu dhaqaalo ku bixiyaan doorashooyinka, mase dhicin.

Beesha 6-aad, [Saaxiibada Soomaaliya], waxa ay si weyn kaga digaan hab dhaqan kasta ee horseedi kara colaad ama wiiqi kara hufnaanta geedi-socodka doorashada, hayeeshee, waxa ay xalaaleeyeen, doorashooyinkii, Koofur galbeed, Hirshabeelle, Galmudug iyo Jubbaland, oo dhamaantood la boobay.

Wakiillada fadhigoodu yahay xerada Xalane, waxa ay si weyn kaga warqabaan hannaanka ay doorashooyinkaas ku dhaceen, waxa ay ogyihiin, habkii lagu doortay kuraasta Aqalka sare ee Baarlamaanka 11-aad ee JFS, intaba waa soo dhaweeyeen, haddana waxa ay ku celcelinayaan in doorashada kuraasta Golaha Shacabka noqoto mid daahfuran, xalaal ah oo si siman logu tartamo.

Waxa ay si dhow ula socdaan boobka kuraasta ee ka socda Dhuusamareeb, Baydhabo iyo Muqdisho, hayeeshee, waxa ay isku diyaarinayaan in ay natiijada soo dhaweeyaan, qeybta dhimanna dhaqaalo ku bixiyaan si deg deg loogu dhameystiro.

Haddii ay BC, hor istaagi lahayd boobkii doorashooyinkii beenta ahaa ee Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hiirshabelle, xilligaan dalku kuma jireen qalalaase siyaasadeed, iyo hoos u dhaca ku yimid hanaankii dimuqraadiyadda.

12-kii April, markii Farmaajo, samaystay muddo kodhitii labada sano, [Sharci-darro], Beesha Caalamka, lama imaan qorshe cad, waxa ay kaliya ku celceliyeen, in dib-udhac doorasho, mid is-barbar socota iyo muddo kordhin aan la aqbali doonin.

Hayeeshee, waxa ay Madaxtooyada iyo Xaafiiska Madaxweynaha kula kulmayeen Farmaajo, oo waqtigii ka dhamaaday 7 Feberaayo 2021, taas oo bannaanka keentay in wakiilladu aysan wax aragti ah ka lahayn muddo kordhinta.

25-ka April, markii loo istaagay in la soo laabo albaabka tareenka afarta sano soo socday, waxa ay Beesha Caalamka garab u noqotay Farmaajo, waxayna sameeyeen ballan-qaadyo khiyaano ah o ku aaddan hirgalinta doorashooyin hufan oo lagu kalsoonaan karo.

Maalmahaan, kulamo siyaasadeed miisaankoodu culus yahay ay aka socda Caasimada, kuwaas oo looga arrinsanayo boobka doorashooyinka kuraasta Golaha Shacabka, haddaba, Mucaaradka iyo wax-garadku, waa in ay iska ilaaliyaan haddimada kooxda James Swan, ee Farmaajo gadaal ka taagan.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.