Boobka Guryaha oo kusoo badanaya Muqdisho

Shacabka oo awood loo adeegsado ayaa meesha ka saareysa dowladnimada hadda la sheego in Soomaaliya ay ka jirto.

Warar Keydmedia Online
Boobka Guryaha oo kusoo badanaya Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Caasimadda dalka waxaa kusoo badanaya waayadan dambe boobka lagu hayo guryaha dadka rayidka ah iyadoo loo sheeganayo awood iyo sidoo kale shaarka dowladda.

Marka aad tagto xarumaha maxkamadaha dalka, gaar ahaan kuwa ku yaalla magaalada Muqdisho waxaad arkeysaa shacab badan oo lagu dhibaateynayo shaarka dowladda, sidoo kalena lagu handadayo awoodda ciidanka qaranka.

Shaqsiyaad xilal ka haya DFS ee uu hoggaamiyo Xukuumadda Madaxweyne Farmaajo ayaa boob u haya guryo badan oo dadkii lahaa ay taagan yihiin, laakiinse la isku dayayo in awood iyo qasab looga qaato dadkaas.

Wixii ka dambeeyey burburka dalka ayaa la ogaa guryo la kala xoogo ama la kala qaato, balse iyadoo dalka ay ka jirto dowlad ayaa shaqsiyaad dowladda ah dadka dhacaya.

Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mahad Cabdalla Cawad iyo wasiirka Gargaarka DFS Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa lagu eedeeey iney xoog ku haystaan guryo uu lahaa Jeneraal Maxamed Abshir Muuse, sida ay Keydmedia Online talaadadii soo qortay. 

Caruurta uu dhalay Jeneraalka ayaa Labadan mas'uul ka kireeyey guryahan oo ku yaalla magaalada Muqdisho, balse sanad markii ay deganaayeen ayeey Labadooduba diideen iney bixiyaan kirada, waxaana ay u sheegteen awood.

Cumar Maxamed Abshir oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in DFS dalbanayaan cadaalad, una baahan yihiin in dib loogu soo celiyo guryahooda.

"Waxaan dacwad ka nahay annaga oo ah ilmo Maxmed Abshir, dadka guryaheena xoogga ku haysta kuwaas oo kala ah, Mahad Cawad iyo Khadiijo Maxamed Diiriye, waxaan ka codsaneynaa dowladda in ay guryaheena inooga saaraan sidoo kalena xaqeena naga siiyaan"

Caa'isha Maxamed Abshir Muuse oo iyana la hadasay warbaahinta ayaa tilmaantay in walaalkood oo lagu magacaabo Maxamed Abshir uu ku sugan yahay magaalada Muqdisho una wakiisheen in arrintan uu wax ka qabto, DFS looga baahan yahay iney qoyskooda caawiso.

Waxaan halkaan ka cadeynayaa in walaalkey Cismaan Maxamed Abshir uu wakaalad naga haysto hadaan nahay reer Maxamed Abshir, waxaan ka codsanayaa dowladda in dadkaasi ay guryaheena xoogga ku haysta inooga saaraan oo gacanteena dib inoogu soo celiyaan, markii hore kiro ayeey ku galeen, kadibna awood ayeey sheegteen"

Mahad Cabdalla Cawad iyo Khadiijo Maxamed Diiriye oo xilal sare ka haya DFS ayaan ka hadlin guryahan ay xoogga u haystaan, sidoo kalena ma jirto cid DFS oo wax u qabatay qoyskaan dhibban.

Dhul boobka iyo boobka Guryaha ayaa kusoo badanaya guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan Caasimadda Dalka, waxeyna Keydmedia Online ku howljirtaa barnaamij muujinaya heerka uu marayo boobka lagu hayo shacabka oo la isticmaalayo shaarka dowladda.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.