Boobka qaran badbaado qaran ayaa hor istaageysa - Turyare

Taliyihii hore ee NISA, Tuuryare, oo ka mid ah, musharixiinta kursiga HOP067, ayaa ka dhawaajiyay in kulamada siyaasadeed ee Caasimadda ka socda ay maalmaha soo socda jidka toosan dib ugu celin doonaa hannaanka doorashada.

Warar Keydmedia Online
Boobka qaran badbaado qaran ayaa hor istaageysa - Turyare

MUQDISHO, Soomaaliya - Agaasimahii hore ee hay’adda sirdoonka iyo nabad sugida qaranka, Cabdiraxmaan Maxamuud Turyare, oo ka mid ah musharixiinta laga hor istaagay u baratanka kuraasta Baarlamaanka 11-aad ayaa xaqiijiyay inuu socdo abaabul xooggan oo dib loogu soo celinayo ciidankii Badbaado Qaran ee ka hor tagay muddo kordhinta, si mar kale loo baajiyo boobka doorashada.

“Saraakiishii dalka ka badbaadisay muddo kordhinta abaabulka ay wadaan ayaan ka warqabaa, kaliya ma’aha kuwii hore shaqada fiican u qabtay bishii April, saraakiisha shaqeysa iyo kuwa aan hadda shaqeyn waa iska war qabnaa waxaana u istaagnay dhamaan quwadaha boob diidka ah sidii loo mideyn lahaa”. Ayuu yiri, Gen: Tuuryare.

Wuxuu sheegay in boobka doorashada, caqli iyo cududba looga hor tagi doono, dadka indhaha u ah, bulshaduna u istaageen, sidii ay waddanka uga badbaadi lahaayeen koox tan iyo markii ay xaafiiska galeen boobka qaranka waday.  

“Waxa hadda socda ee boobka qaran ah ma sii socon doonaan, dadka Soomaaliyeed iyo waddanka masuuliyad ayaa naga saaran, masuuliyadduna kursi ayaa la dhacay maaha, oo dooddaas waaba iska xirnay, dhawaan badbaadiyayashii dalka ayaa soo baxaya” Ayuu ku sii daray.

Wuxuu mar kale, xaqiijiyay in caasimadda ay ka socdaan, kulamo siyaasadeed oo dhawaan mira-dhali doona, kuwaas oo kaliya aan u jeedkodu ahayn boobka doorashada ee badbaado guud diiradda lagu saarayo.

“Marxaladdu hadda kursi la dhacay waa ka gudubtay, oo badbaadada dalka ayay u gudubtay, hadda kuuma sheegayo halka wax noo marayaan laakiin qorshaha karsamaya wuu soo bixi doonaa dhawaan”. Ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in dadka Soomaaliyeed, Midowga Musharixiinta, Maamullada aan boobka ku qanacsaneyn, Beesha Caalamka, wax garadka iyo siyaasiyiinta, ay dhamaan meel qura kaga soo jeedaan, tasina fududen doonto in jidka toosan dib loogu laabto.

Cabdiraxmaan Maxamuud Turyare, wuxuu hore u soo noqday Madaxa baarista xarunta nabadsugida qaranka ee magaalada Muqdisho, Taliyaha maxkamada sare ee militariga iyo xilka agaasimaha hay’adda sirdoonka iyo nabad sugida qaranka Soomaaliya.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 January 2022 7:53

Dhambaallada ay taariikhdu qoreyso oo aan joosi lahayn ilaa saacaddu istaageyso, ayaa shalay mar kale is qortay kadib markii uu hal Wasiir si cad uga hor yimid in laga laabto go’aankii khaldanaa ee Xukuumaddii uu ka tirsanaa Ururka ONLF ugu dartay liiska Argagixisada.