Booliiska B/weyne oo kala eryey dad dhigayey dibadbax

Dadka dibadbaxa isugu soo baxay ayaa diidanaa dhismaha maamulka Labaad ee Hirshabelle.

Warar Keydmedia Online
Booliiska B/weyne oo kala eryey dad dhigayey dibadbax

Ciidamada Booliiska magaalada B/weyne ayaa maanta waxa ay xoog ku joojiyeey dadweyne dhigayey dibadbax ay kaga soo horjeedaan dhismaha dowlad goboleedka Hirshabelle.

Maxamed Maxamuud Qorsheel, taliyaha Booliiska B/weyne ayaa isaga oo la hadlay warbaahinta wuxuu faah faahiyey sababta ay u joojiyeen dibadbaxaasi.

Waxa uu tilmaamay in aan laa soo socodsiin hay'adaha ammaanka dibadbaxan, sidaasi darteedna dhib walbu uu ka imaan karo.

Dadka dhigaya dibadbaxa ayaa diiddan nidaamka hadda loo wado in loo dhiso maamulka Hirshabelle iyo howlaha ka socda magaalada Jowhar.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 1 December 2020 7:57

Tan iyo 2012 markii Malleeshiyaadkii Raas Kambooni ee uu watay Axmed Madoobe, oo kaashanayay Ciidamada Kenya ay la wareegeen magaaladda, waxaa la dilay dad badan oo qaab qabiil lagu khaarijiyay.