Labo kamid ah qodobada ugu waaweyn fashilka Farmaajo
Booliska ayaa maanta rasaar ku kala eryay shacab banaanbaxayay, waxeyna jidil iyo xabsi u geesteen tobaanaan dhalinyarro ah.
Ciidamada Boliiska ayaa rasaas ku kala eryay boqolaal shacab ah oo saakay isugu soo baxay wadada Makka Al-mukarrama ee magaalada Muqdisho, kuwaasi oo la sheegay iney dhigayeen dibadbax ay kaga soo horjeedaan Madaxweyne Farmaajo.
Dadkan ayaa watay boorar waaweyn oo ay kusoo qoreen erayo ka dhan ah Farmaajo, kana dalbanayey in uu kursiga baneeyo maadaama uu fashilmay.
Hase ahaatee, ciidamada Booliiska ayaa si qasab ah dadkan ku kala eryey, waxaana dadka qaar ay u geysteen jirdil.
Sidoo kale, ciidamada ayaa xiray Tobanaan dhallinyaro ah oo isugu jira rag iyo dumar kuwaasi oo ka mid ahaa shacabkii sida nabadda ah ku banaanbaxayey.
Dowladda Farmaajo ayaa markaan u muuqata mid usii roganeysa kali-talis, sidoo kalena ma ogola in shacabka ay si nabad ah dareenkooda ku muujiyaan.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments