Booliska Jubbaland oo xabsiga dhigay in ka badan 20 ruux

Howlgalkaan oo ka dhacay xaafadda Calanley ee magaalada Kismaayo ayaa lagu soo qabtay in ka badan 20 ruux oo loo heystay ka ganacsiga waxyaabaha maanka dooriiyo. 

Warar Keydmedia Online
Booliska Jubbaland oo xabsiga dhigay in ka badan 20 ruux

MUQDISHO, Soomaaliya - Booliska maamulka Jubbaland ayaa xabsiga u taxaabay in ka badan 20 ruux oo la sheegay in ay ka ganacsanayeen waxyaabaha maanka dooriiyo.

Howlgalkaan oo ka dhacay xaafadda Calanley ee magaalada Kismaayo ayaa waxaa lagu soo qabtay jawaanno iyo Foostooyin lagu sameeya waxyaabaha maanka dooriiyo iyo sidoo kale dadkii ka ganacsanayay sida lagu sheegay war ka soo baxay taliska Booliska Kismaayo.

Taliyaha Booliska Magaalada Kismaayo Warsame Axmed Geelle ayaa sheegay in howlgalka uu ka dambeeyey cabasho ay u soo gudbiyeen dadka ku nool Xaafada Calaleey ee Magaalada Kismaayo, isla markaana ay gacanta ku dhigeen 20 Ruux.

Sidoo kale taliyaha Booliska ayaa sheegaya in raggaan la qabtay loo gudbin doono Maxkamadda Cadaaladda Jubbaland, sidoo kalena arrimahaan ay qeyb ka ahaayeen falalka amni darro ee ka dhaca magaalada.

Magaalada Kismaayo ee xarunta ku meel gaarka u ah maamulka Jubbaland ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca falal amni darro kuwaas oo lala xiriirinayo waxyaabaha maanka dooriiyo iyo arrimo kale.

KEYDMEDIA ONLINE 

    Commenting is not available in this channel entry.